Did Somali Pilots Landed for Emmergency Mirqaan Refueling?
Posted: Fri Feb 03, 2006 10:42 am
Duuliyayaal Soomaali ah oo la ganaaxay
Nairobi 03 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Duuliyayaal Soomaali ah ayaa ganaax mutay ka dib markii si sharci daro ah ay ugu dageen garoon ku yaala xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi.
Labo Duuliye oo Soomaali ah oo si sharci daro ah diyaarad ay wateen ku dejiyay garoonka ciidamadda cirka ee Moi ee ku yaala xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi ayaa midkiiba lagu ganaaxay toban kun oo shillin Kenya ah maalintii Salaasadda aheed ee toddobaadkan, iyaga oo markii dambana la iska sii daayay.
Diyaaradda ay wateen Dooliyayaashan Soomaalida ayaa si qalad ah ugu dagtay Garoonka Moi iyada oo dhabaheeda sax ah uu ahaa Garoonka Wilson ee isla magaaladda Nairobi, waxay ku degidooda Garoonka Ciidamadda Cirka ee Moi ee ku yaala xaafadda ay ku badanyihiin Soomaalida ee Islii ay ku dhalisay saraakiisha halkaasi joogtay cab si aad u weyn.
Ciidamadda Kinyaatiga ee jooga Garoonka Moi ayaa qoryaha la booday iyagoona isku hareereeyay Diyaaradan oo ah nooca afar iyo tobanka kursi leh.
Garoonka Moi ayaa ah garoon ay isticmaalaan Ciidamadda cirka ee waddanka Kiinya waxaana mamnuuc ka ah diyaaradaha rayidka in ay ku soo degaan garoonkan.
Diyaaradani ayaa markii hore ka soo duushay Garoonka weyn ee caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee isla magaaladda Nairobi waxayna dayactir u soo aaday garoonka Wilson.
Shabelle Media Network, Kenya