we created the blue flag and we burned since afweyne tried to kill somaliweyn all we did is helped him to kill it for ever
and now the new sland flag is born
Calanka Somalia Waa Calan Gaalo oo Horey u Jiray Lana Soo Biliiliqeystay Posted by: qaran
Calankan Somalia ee midabkiisu buluuga yahay xidigta cadna leh ee Reer Somaliland uula midka ah calankii Naasiga (Nazi Germany) ee Soomaali u horseeday qabyaalada sumeysan, maamul xumada, eexashada qaawan, sinaan la’aanta, cadaalad darada baaxadda weyn, musuqmaasuqa dhinac walba saameeyey, iimaan li’ida iyo kelicunnimada, horumar la’aanta balaadhan, saboolnimada, nabadgelyo la’aanta jootada ahi, dikteertooriyada iyo ku amartaagleynta, faanka qayaxan, kibirka xun, dilka, dhaca, boobka, kufsiga, dhagarta, godobta, xasuuqa, Isir gumaadka, iyo burburka baaxada weyn lehi ee dhinac walba saameeyey ee ugu yaraan ay hal malyuun oo Soomali ahàay ku hoobatay ee boqolaalka kun ee kale ay ku baaraakaceen ee malyuumaadka kale ay ku xaydhoobeen ee malyuunka kale ay ku qaxootiyoobiyeen afarta jaaho ee adunkana ay ka kala dhaceen ee adoon iyo gaaloba ay meelahaas maatadoodi sida haada ugu hiigayaan; waa calan habaaran oo dhagareysan oo nacdaleysan oo horey gaalo u lahayd lana soo biliiliqeystay kaasoo markiisi horeba sameyntiisu ku saleysnayd mabaadi’da shaydaan ee ay ka midka yihiin Diin ku caasi, cunsurinimo, dulmi, adoonsi, goosasho dhulleed oo xaaran ah, fusuq, iyo xaaran ku dhaqan.
Calankan Somalia ee ay weli sitaan kuwan wax magaratada ahàee iyagu Soomaalinimadii, wada dhalashadii, wada noolaanshihii, iyo Bani Aadnimadiiba xumeyey ee wadaniyad ku sheega iyo midnimada khaldan ku adeegta xamaasada jaha wareersanna lehi cadiifadda guracanna ka duulaya ee qabyaalada sumeysani iyo xasadku ka buuxo, waxa magaciisa la yidhaahdaa, “The Bonnie Blue Flag†waxaanu soo baxay january 9, 1861 kaasoo ay iska lahayd gaalo lagana soo biliiliqeystay qoomka cunsuriga ahi ee Koonfurta Mareekanka gaar ahaan gobolka Mississippi kuwaasoo waagaas doonayey inay gobolkoodaas ka goostaan isku darkii (confederation) iyo dalka Mareekankaba.
Hadaba, calankan shaydaan ee gaalada laga soo biliiliqeystay, waxaad taariikhdiisa iyo muuqaalkiisaba aad ka heleysa mareegahan hoos ku xusan:
www.anyflag.com/history/bonnie.htmwww.google.ca/search?hl=en&q=bonnie+blu ... arch&meta=www.flagguys.com/csaflags.htmlwww.premierflag.com/default.php?cPath=135http://patriotic-flags.com/confederate/ ... _flags.htmRun ahaantii, calankan Somalia, waa calan gaalo, waa calan fikir iyo damac gaalo ka turjumaya, waa canlan aan hoodo lahayn, waa calan nuxuus ama shaqaabad ah, waa calan dhiig badan ku daatay oo Soomaliyeed badan oo aan waxba galabsani ay ku hoobteen, waa calanka Soomaalinimadii: Islaamnimadii, iyo Bani Aadnimadiiba ceeb balaadhan iyo bahdilaad weyn u soo jiiday waana calan xaaraan ah oo 1991 Eebe afka u riday kuwa is yidhaahda dib u soo nooleeyana ay jab, hoog, iyo halaag kala kulmi doonaan.
Dhinaca kale, waxa la yaab leh kuwan weli sita calan baaskan gaalo ee biliiliqada ahàee hadh iyo habeen u taagan colaada, xinka iyo xasadka, munaafaqnimada, iyo beenta iyo huuhaada ee doonaya inay maanta caalamka ka iibiyaan inay riyadii khaldanayd ee Somaliweyn iyo midnimo ku-sheegi madooba ay ku koobnay oo qudha Hargeisa iyo Xamar oo loo kala tegay kuwaasoo si u dhoohan welina qarnigan 21aad ee aanu ku jirno Reer Somaliland weli daba wada fool xumada calan shaydaankoodaas xumi sankana ka marmarinaya qadhmuunkiisa xad dhaafka ahàinkastoo iyagu markay fahmeen waxyeeladiisa calankan ay iska tuuray meel fagaare ahina ku gubay 1991-kiina aayahooda ka tashaday.
Ugu dambeyn, waxaan halkan talo uga soo jeedinaya qoomkaas Reer Somalia, inay Eebe ka cabsadaan oo ay iska tuuraan calan shaydaankan ay gaaladu leedahay sameystaanna mid iyaga u gaar ah iskana dhaafaan xasadka, ka daba lulashada, iyo ka daba niicleynta ay Reer Somalilandka waa hore aayahooda ka tashaday ay ku hayaan.
Guul iyo Gobanimo,
Farah Ali Jama,
Ottawa, Canada.