I was reading the memoir of Professor Mohamoud Said Gees. it is a remarkable memoir and i learned a lot from it. We need such persons who can pass their experiences and knowledge to us. It is written in Somali and you will find this long memoir extremely educational and interesting to keep you at the edges of your seat with your eyes fixed onto the monitor. I, therefore, took this quote as it seems indicative, of some people of ours in that part of the country, of their known volatile disposition of conduct and attitude. Most Somalis, if you enquire them of Galgaduud and Mudug and Hiiraan, their answer is the theme on the variations of one popularly held perception about which they describe the above-mentioned regions as war-like people, but the Professor emphasizes the cause of such as the lack of proper care and growth by their parents who neglect them and the harsh environment they live, respectively.
By Professor Mohamoud Said Gees
"Beledweynahii uu Hadraawi u heesay ayaan tegay waa meel kulul oo kaneeco badan oo webigu ku wareego oo meelo badan ka soo galo waa meel xoolaad oo dhinac walba lagaga soo arooro waxaad ka helaysaa Caano geel, lo’adhi iyo hilib nooc walba leh iyo badarka ka yimaada dhinaca Qalaafo, waa magaalo aad ku arkaysid weelkii Soomalidii hore sida Dheriga, Xeedhada, Sibraarka, iyo fandhaalkii waxaad kale oo ku arkaysa gabdho sita dharki hore ee dhaqanka Soomalida, dhinaca bari ee webiga waxaa degan Xawaadle dhinaca galbeedka oo ay yiraahdaan Qoraxside waxaa degan Gaaljecel iyo Janjeele waxaa kale oo webiga dhinacyadiisa degan dad timo adag ah oo la yiraahdo Makanon oo hada la baxay Somali Bantu, halka webigu ka soo galo xadka Soomalida waxa ah laba tuulo oo la yiraahdo Buur ukud iyo Deefow oo ay degan yihiin qolo la yiraahdo reer Xasan Kilweyne waxaa ku sii xigta tuulada Bacaado oo ay deganyihiin Fiqi Cumar oo Dir ah labadaas beeloodba waa dad reer Diineed ah oo Wadaado ah taasi waxay ku tusaysa in diinta Islaamku soo raacday webiga iyadoo ka soo jeeda Harar iyo Saylac, dhinaca galbeedka Qulunqul iyo Qalaafe halkaas ayuu webigu ka soo galaa Soomaliya. Waxaa yaab leh dadka degan gobalada Hiiraan Galgaduud, iyo Mudug waxay aad ugu liitaan dhinaca diinta, waxad arkaysaa dadka diinta wax bara ee Masaajidada, malcaamadaha ku yaala magaalooyinka iyo tuulooyinka gobalada waxaa jooga oo diinta u haya dad ka yimi Kililka 5aad ee Itoobiya sida reer Xasan Kilweyne, Ashraaf, Sheekhaal iyo Fiqi Cumar Direer ma arkaysid wadaad u dhashay goboladaas oo diinta dhigaya, dhinaca guurku waa furan yahay oo ninku intuu doono ayuu dumarka ka guursadaa, caruurta hooyadaa korsata sidaas awgeed, sida kuwa Aabe iyo Hooyo wada koriyaan uma helaan anshaxa suuban, caruurta kir ayaa lagu dhahaa wax xanaano ah ma helaan taas ayaa soo saartay dadkan gobaladaas ka yimaada ciday doonaan ha ahaadeene oo boobka iyo dhaca caado ayey u lahaayeen ay ku kacayaan, sidaa darted qabqablayaashu waxay ka baxeen degaanada Gobalada dhexe iyagoo fidmeeya dadka gobaladda kale degan."
THE WHOLE MEMOIR
http://www.dhahar.com/forum/viewtopic.php?t=208