great topic i came from somaliland and i think somalia is spit up between 3 tribes who are are pro somaliland and anti somaliland like the darood and hawiye and dir most of the hawiye in muqadisho for example are pro somaliland and they really dont care why somaliland should go solo on the other hand darood not all darood by the way want that somaliland should be recaptured it by force siyaad barre wanted to give somaliland to darood like ogadens dhulos and warsangelis and thats why they understood and thats what abdillahi yusuf and his goverment knows and thats why the where so pissed of when they knew ethopia recognised somaliland anyway just read this and i will post on other article news and i hope you will understand why somaliland shouldnt never return
Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo uu Ra'iisul wasaare Geeddi ka hor aqriyay Warqad qoraal ah oo ka timid Ethiopia
Posted to the Web May 01, 15:56
Baydhabo (PP) - Kulankii maanta ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ahaa mid looga codsaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi inuu ka jawaabo ergaygii ay dowladda Ethiopia u dirtay Somaliland ayaa wuxuu ka hor aqriyay Xildhibaannada warqad ka timid Ethiopia.
Warqaddaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi wuxuu sheegay inay ka timid Safaaradda Somalia ay ku leedahay Ethiopia, waxaana uu sheegay inay tahay mid ka soo baxday Dowladda Ethiopia loona soo marsiiyay Safaaradda Soomaaliya.
Xubnaha Baarlamaanka ayaa intooda badan waxay maantka soo qaybgaleen kulankaan, iyadoo xubnaha ay goor hore yimaadeen goobta kulanka baarlamaanku uu ka dhaco ee ADC-da baydhabo, mana uusan jirin xildhibaan ka baaqday kulankaas, waxaana si weyn ay u sugayeen xubnaha baarlamaanka hadalka uu jeedin doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Geeddi.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in qoraalkaas ka soo baxay dowladda Ethiopia ay ku caddeysay inaysan jirin wax safiir ah oo ay dowladda Ethiopia u dirsatay Somaliland, waxaana qoraalkaas ku xusnaa in Dowladda Ethiopia ay Soomaaliya u aragto mid aan kala go’i Karin iyaduna aysan kala goynayn, balse midnimadeeda ay ilaalinayso.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka aqriyay qoraalkaas in dowladda Ethiopia ay taageersan tahay Soomaaliya aysanna doonayn inay kala jarto, waxaana uu sheegay inay tahay ujeeddo caddeynaysa inaysan Ethiopia doonayn inay baajiso saaxiibtiniada cusub ee Soomaaliya kala dhexeysa.
Xildhibaannada qaarkood ayaa ku tilmaamay hadalkaan uu aqriyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya maanta inuu yahay mid aan sax ahayn, waxayna sheegeen in Ethiopia aysan daacad ka ahayn wax ay sheegayso.
Dhanka Kale, waxaa jiray in xildhibaannada qaarkood ay aad ugu sacab-tumeen markii uu Ra’iisul wasaare Geeddi dhameystiray aqrinta warqaddaas.
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
puntlandpostmog@hotmail.com