Postby Daanyeer » Thu May 11, 2006 9:40 am
Source:gantaalnews
Booliska magaalada Minneapolis ayaa ku raad jooga sidii ay u ogaan lahayeen in gabar Soomaaliyeed laga tuuray buundo dul marta webiga Mississipi ee dhex mara magaalada Minneapolis iyo in ay ayadu iska tuurtay
Booliska magaalada Minneapolis ayaa ku raad jooga sidii ay u ogaan lahayeen in gabar Soomaaliyeed laga tuuray buundo dul marta webiga Mississipi ee dhex mara magaalada Minneapolis iyo in ay ayadu iska tuurtay, maadaama markii ugu war dambeysey lagu arkay buundada marta wadada Washinton Ave, sidaas waxaa warka ku bilaabay telefishanka Channel 5.
Sudi Abdi oo 26-jir ah waxa ay ka qalin jebisey St. Thomas University , waxana ay hadda ahayd ardayad dhigata Jaamacadda New York University kana barata caafimaadka, waxaana looga cabsi qabaa in ay dhimatay kaddib markii ay boolisku telefoon ka heleen qof buundada marayey 3:00 a.m. subaxnimadii hore ee Talaadada.
Qoyska gabadha iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa booliska ka caawinayey baadi goobka gabadha laga raadinayo webiga. Waxa keliya oo ilaa hadda la helay waa kabo looga tuhun qabo in ay yihiin kuweedii.
"Waxaan isku deyeynaa in aan helo sida ugu dhaqsaha badan, waxaana u bahanahay caawinaad, waxaana cawinaada ugu baahananay si degdeg ah" sidaas waxaa yiri Osman Abdulle, oo u waramayey Telefishanka Chaneel 5 ee magaalada Minneapolis.
Bill Chandler oo ah sarkaal boolis ah ayaa sheegay in aad loo raadinayo gabadhan Soomaaliyeed.
Warku waxa uu sheegay in biyaha webigu ay ku socdaan xawaare sare.
Gabadha walaalkeed waxa uu sheegay in Isniintii ay timid Minneapolis, kaddib markii ay ka soo duushay New York dhib ay halkaas kala kulantay awgeed.
Boolisku waxay sheegeen in aysan cidna tuhun sanayn, laakiin arrinta uguma yeerin in ay is dishey.
Gantaal News Xafiiska USA MN
Gantaal News