Postby Daanyeer » Thu May 18, 2006 8:37 am
Safaarada Sweden ee magaalada Addis Ababa ayaa xanibtey qaar kamid ah xildhibaanada maamul goboleedka Puntland oo dalkaasi socdaal ugu amba baxayey.
May 17, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.
Nuux Muuse Birjeeb. Garoowe.
Safaarada Sweden ee magaalada Addis Ababa ayaa xanibtey qaar kamid ah xildhibaanada maamul goboleedka Puntland kadib markii muran xoogani ka dhashey casuumad uu baarlamaanka Sweden u fidiyey baarlamaanka maamul goboleedka Puntland.
Xildhibaanadani oo muddo ku dhawaad laba todobaad ku xayiran magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa qorshahooda waxaa uu ka danbeeyey kadib markii baarlamaanka Sweden uu casuumaad soo gaar siiyey bishii January sanadkan, laakiin ay suura gali weysay iney tagaan.
Xildhibaanadani oo uu horkacayo guddoomiyaha baarlamaanka Cusmaan Dalmar Xaaji Yuusuf ayaa casuumaad waxaa ay kaheleen wadan kaasi, laakiin waxaa cambaareeyey qaar kamid ah xildhibaanada maamul goboleedka Puntland oo iyagu sheegay iney qorshaha ay ku baxeen uu yahay mid qarsoodi ah oo aysan kala tashan xildhibaanada kale oo ay doonayeen in si sir ah ay xildhibaanada ku baxaan safar kaasi.
Xanibaada lagu sameeyey wafdiga uu horkacyao guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa waxey warbixinadu ay sheegayaan iney ka danbeysay safaarada Sweden ay ku leedahay Addis Ababa oo u diidey iney kasii gudbaan halkaasi, khilaafaad soo baey aawadiis.
13 xildhibaan ayaa wararku sheegayaan in dowlada Sweden baarlamaan keedu ay casuumeen laakiin Puntland ay ka baxeen 7 xildhibaan, halka xildibaanada Puntland ay sheegeen oo aan kula kulaney xarunta baarlamaanka in inta kale guddoomiyaha baarlamaanku uu musuq maasuq kusameeyey.