Gudoomiyaha gobolka shabeelada Hoose Sheekh Yuusuf indha Cade oo la sheegay inuu rabo inuu noqdo madaxweynaha maamulgoboleedka Banaadir ee dhawaan laga dhisayo Muqdisho.
Muqdisho, Soomaaliya
Warar aan ka helnay ilo muhiim oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in durbaba uu muran soo kale dhexgalay xoogagii meesha ka saaray hogaamiyayaalkooxeedyadii ka talinayay caasimada Soomaaliya muddada ka badan 16ka sano.
Wararkaas ayaa sheegay inuu jiro khilaaf ah sida wax loo dhisayo iyo sida awooda loo qaybsanayo.
Inta badan maamulada Maxkamadaha islaamka ee Muqdisho ayaa soo jeediyay in la dhiso maamul ku meel gaar ah oo gacanta kusii haya ammaanka magaalada Muqdisho kaasoo uu madax ka noqon doono sheekh Shariif Sheekh Axmed halka niman kalena ay soo jeediyeen in la dhiso maamul goboleed lagu magacaabo Banaadirland oo ay ku mideysan yihiin maamulada labada shabeele iyo gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha gobolka shabeelada Hoose ayaa codsadey in madaxweyne looga dhego maamul goboleedkaas halka uu u ogolaaday ragga ay isla shaqeyn jireen inay qaataan awoodaha kale ee maamul goboleedkaas.
Masuuliyiinta maxkamadaha intooda badan ayaa iyagu la sheegay inay ku gacan sayreen in magaalada Muqdisho laga dhiso wax maamul ah oo wata magac maamul goboleed iyagoo sheegay in fikirka ah in Soomaaliya loo qeybiyo ay aheed fikir gumeysi oo aan ka imaanin maskax Soomaaliyeed oo caafimaad qabta.
Gudoomiyaha maxkamadaha ayaa ilaa iyo xalay ku jiray la tashiyo ku saabsan sidii magaalada Muqdisho loogu sameyn lahaa maamul mideysan oo hoos taga maxkamadaha islaamiga.
Waxaa durbaba ka bilowdey magaalada Muqdisho labadeeda dhinacba talaabooyin aan la garaneynin cida ka danbeysa oo loola dan leeyahay in lagu kala dhantaalo xooggaga maxkamadaha islaamiga iyadoo la adeegsanayo magac qabiil iyadoo aan la garaneynin cawaaqibta ka imaan karta in qaab qabiil lagu wajahaa isbedelada ka soo cusboonaadey magaalada Muqdisho.
Dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaanan yeelan maamul mideysan tan iyo intii uu xukunka laga ridey dowladdii kacaanka aheyd waxaana xigay dagaalo sokeeye oo ku saleysan qaab qabiil kuwaasoo halakeeyey magaalada Muqdisho.
Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudahiisa ayaa waxaa uu indhahoodu kuwada jeedaa warbaahinta caalamka iyagoo ka dhur sugaya talaabada ay qaadaan xoogagan islaamiga ee hantiyey caasimadii dalka Soomaaliya.
maryan cabdulaahi,dayniile
maryancabdulah1991@msn.com Ku noqo beejka
dayniilecom @hotmail.com