http://www.hiiraan.com/news/2006/june/i ... -front.jpg (Radio interview, Listen from the 5th min)
Midowga Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay in ay diideen in Muqdisho lagu daawado Ciyaaraha Adduunka
Talaado, June 13, 2006 (HOL): Maalmihii tegay ayaa magaalada Muqdisho waxaa la isla dhexmarayay warar sheegayay in Midowga Maxkamadaha Islaamka ay Xaafadda Suuqa Xoolaha ku soo rogeen xayiraad ah in aan la daawan karin ciyaaraha Adduunka, walow warkaasi uu ahaa mid aan si rasmi ah u soo shaac bixin.
Haddaba Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa beeniyay warkaas oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo looga been abuurtay, wuxuuna caddeeyay in aaney xiligan Midowga Maxkamadaha fursad u heynin xayiraad ay ku soo rogaan daawashada ciyaaraha Adduunka.
Shiikh Shariif waxaa uu intaas ku daray in xiligan ay ku dhex taagan yihiin qadiyado culus oo xasaasi ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in wararkaasi ay buun buuniyeen Saxaafadda, gaar ahaan kuwa shisheeyaha.
Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa Soonkii la soo dhaafay waxay magaalada Muqdisho ka sameeyeen howlgallo ay ku xireen shineemooyinka, iyadoo intii ay howlgalkaas wadeena albaabada u laabay Shirkad Filimada Hindiga Af-Soomaali u bedeli jirtay, taasi oo lagu magacaabi jiray Al-Faghi.
Hadalka Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka Muqdisho waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhalinyaro badan oo wel wel ka qabay in laga joojiyo daawashada Ciyaaraha Adduunka oo ah ciyaar ay dadka intiisa badan daawadaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia
http://www.hiiraan.com/news/2006/june/w ... ta13_1.htm




