Dagaal culus oo ka qarxay meel u dhow magaalada Jowhar
Jowhar 14 June. 06 ( Sh.M.Network) Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka fudud iyo kuwa culus ayaa waxa uu ka soconayaa deegaanka Boorow oo masaafo yar u jira magaalada Jowhar,, iyadoo dagaalkaasina uu ku siqay dhinaca garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.
Dagaalkaan oo u dhaxeeya Maleeshiyaadka Midowga Maxaakiimta islaamiga iyo kuw Max'ed Dheere oo ka mid ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ayaan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi, rasaasta oo si culus u bilaabatay owgeed, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo gudaha magaalada Jowhar.
Dagaalkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli Xalay magaalada Jowhar ay isaga baxeen xubno uu ka mid yahay Max'ed Qanyare, Bootaane Ciise, Cabdi Nuurre Siyaad iyo Ciise Cismaan. oo dhamaantood u baqoolay gobolada dhexe oo ay ka soo jeedaan.
Waxii ku soo kordha kala soco
www.shabellenews.comShabelle Media Network, Sh/dhexe