Waxaa Daqiiqado ka hor Magaalada Muqdisho lagu Dilay Wariye Ajnabi ahaa oo Magaciisa lagu Sheegay Martin oo u Shaqaynayay Talefishinka Chanel4 ee ka soo baxay dalka Ingiriiska, Wariyahaan ayaa Goob Joog ka ahaa Mudaharaadkii Maanta lagu taageerayay Hishiikii Khartuum.
Dilka wariyahaan ayaa loo malaynayaa in ay ka danbeeyeen Wadaado mayal adag, oo iyagu aan marnaba raali ka ahayn in Dalka Soomaaliya ay yimaadaan Dadka aan haysan Diinta Islaamka.
Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ka arimiya ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ay ku baadi joogaan cidii ka danbaysay dilkaan, waloow horey loogu ugaarsan jiray Magaalada Muqdisho dadka waxgaradka ah iyo saraakiisha.
Dilkaan cusub ayaa la aaminsanyahay in maxaakimiinta Islaamku aysan raali ka wada noqonayn ama aysanba isku raacsanayn wax khal khal ah, ama dhibaatayn umada Magaalada Muqdisho kuwada sugan haday ahaan lahayd ajnabi iyo haday ahaan lahayd somaaliba.
Waxaa la wada Ogsoonyahay in ay jiraan shakhsiyaad ka soo horjeeda wax nabadayn ah, ama Magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya oo nabad noqota sababo badan aawadeed, waxaana Maxkamadaha Magaalada Muqdisho u taal hawl adag oo ay kagahortagayaan dadka iyaga ku dhex jira eeka shaqaynaya dhibaatada dalka.
http://www.idamaale.com/view_article.php?articleid=2945




