Posted on Saturday, July 01 @ 14:20:18 PDT by editor
Hoggaamiyaha ururka Al qaacida Osama Bin laden ayaa waxa uu ku tilmaamay Madaxwayne Cabdullahi Yusuf Khaayin al wadan isagoo ku tilmaamay nin daba dhilif u ah cadawga islaamka waxa kaloo uu uugu baaqay Shacabka soomaliyeed in ay taageeraan Maxkamadaha islaamiga
Hoggaamiyaha ururka Al qaacida Osama Bin laden ayaa waxa uu ku tilmaamay qof walba oo taageera Cabdulalhi Yusuf in uu yahay Kufri ama ku taageera dhaqaalo isago intaas ku daray in cali cabdala saalax uu yahay nin dabo dhilif u ah dowlada Maraykanka
Hadalkan ayaa waxa uu maanta lagu shaaciyay Taleefishinak Al jaziira oo mar walba soo gudbiya Cajalada Usaama Binu laadin
Hadaad rabto isagoo carabi ah halkan ka akhriso http://www.aljazeera.net/NR/exeres/A4A2 ... 389DD5.htm
Si cad looma fahmi Guusha uu Sheeganayo Bin Laden ee Soomaaliya, laakiin waxaa uu ula jeedaa sida ay siyaasaddu tahay Dagaalkii Maraykanka ay kaga dhinteen 13ka Askari ee ka dhacay muqdisho horaantii Sagaashameeyadii.
Fariinta Bin Laden waa tii ugu cuslayd ee uu soo saaro tan iyo Markii Muqdisho ay la wareegeen Maxaakiimta oo looga guulaystay Hogaamiyayaashii uu Maraykanku taageerayay dagaaladii Muqdisho.
Dhinaca kale Maraykanka ayaa ku eedeeyay Sacuudiga iyo Yemen in ay Taageeraan Maxaakiimta islaamiga ee Soomaaliya
Onkod News + al jazeera




