The First Plane Lands Mog Airport After 11 Yrs
Posted: Fri Jul 14, 2006 11:26 am
This is just beautiful. The first plane arrives at Mog airport where no one dared to approach for the last 11 years.
--------------------------------------------------------------------------------------
Julu 14, 2006 Markacadeey.
--------------------------------------------------------------------------------
Diyaarad magaalada Muqdisho ka qaadey wafdigii maxaakiimta uga qeyb geli lahaa shir ay yeelanayan dowlada federaalka Soomaaliyeed iyo maxkamadaha ayaa maanta ka soo degtay garoonka caalamiga ee magaalada Muqdisho oo mudo aan shaqeyn.
Diyaaradan oo noqotay diyaaradii ugu horeysay oo mudo 11-sano ah kadib ka degta garoonka diyaaradaha ayaa ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Ciseleey oo ka mid ah garoomada macmalka ah ee dalka ka shaqeeya.
Sidoo kale, xubnaha diyaaradan saarnaa waxaa ka mid ahaa xubin ka socdey Jaamacada Carabta oo maxaakiimta wadahadal la lahaa.
Gudoomiyeha guddiga fulinta golaha maxaakiimta oo garoonka diyaaradaha kula hadley saxaafada ayaa sheegay in ay wax weyn tahay in 11-sano kadib ay maanta ay diyaarad ku soo degto garoonka diyaaradaha oo dhinacyo kala duwan ay xanibaad horey ugu soo rogeen.
Dadweyne aad u faro badan ayaa ka qeyb galay daawashada diyaaradan ku soo degtay garoonkaasi, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay oo diidan imaatinka diyaarada, sidii horey u dhici jirtay oo kale.