we have all heard about the allegation about indhacade and how he treats the people of marka, and how the condition of marka is in a state of suffering and the people are going through a alot of harship under his rule.
but are these allegation really true because i just came across this article which says that marka is doing better than ever and there isnt any problems what so ever.
we shouldn't get carreid away with these accusations because we do know somalis do exagerate alot.
Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/Hoose magaalo ahaan waa magaalo aad u qurxoon oo ay ku yaalaan daaro qadiimo ah iyo waliba masjid aad caan ugu ah magaalada marka lana yiraahdo masjidka Aw Aweyka.
Magaaladu waa magaalo xeebeeyd oo dadka ku nool qaar kood waxay noloshooda ku tiirsan tahay maraakiibta ka soo degta degada magaalada Marka oo ay raggu ka xamaashaan iyo ka kaluumeysiga qeyraadka dhex ceegaaga bada weynta ee ilaahay ku maneystay shacabka Soomaaliyeed, waxaa magaalada dhinacyadeeda waqooyi ku yaala buuro waa weyn oo dabiici ah xaga dhinaca koonfureedka waxaa ku wareegsan bad aad u weyn isla markaana xeebahooda ay caruurtu ku ciyaaraan kubada cagta iyo waliba waayeelada doonaaya inay ka badbaadaan xanuunada Sonkorta iyo dhiig karta ayaa waaberigii waxay ku sameeyaan xeebaha magaalada ciyaaro.
Sidoo kale waxaa ay lee dhahay magaaladu xaafado la yiraahdo Horseed, Howlwadaag, Wada jir, waxaana ka dhisan magaaladu masaajidyo badan isla markaana waxaana ka howlgala magaalada hayaddo wax u qabta dadka tabaaleeysan gaar haan caruurta iyo haweenka.
Waxaa sidoo kale magaalada ka jira isbitaalo oo si mudadawacnima ah ugu adeegta dadka ayagoo dadka bukaanadana ka qaada lacago ay awoodi karaan. Dadweynaha reer Marka 65% waa beeraaleey iyo kaluumeysato.
xaga waxbarashada magaalada waxaa ku yaala iskuulaad aad u badan oo taakuleeyo hayado caalami iyo kuwa waddani ah. Marka la eeg dhinaca amaanka magaalada waa mid aad u wanaagsan oo leysku haleyn karo ka dib markii uu maamulka ka jira magaalada uu si wanaagsan u sugan guud ahaan amaanka Gobolka.
Dhinaca nadhaafada magaalada waxaa si weyn u ilaalsha haween tiradooda lagu qiyaasay 500 ayagoo subax walbo u taagan nadhaafadeenta magaalada iyo bacaad celinta wadooyinka maadaama uu gobolka uu lee yahay bacaadyo waa weyn oo hadii aan la ilaalin xadigeeda ay qarka u saaran tahay in wadooyinka ay goÂ’aan.
Si kastaba ha ahaatee magaalada Marka waa magaalo ay dadkoodu ku faani karaan soo celinta nabada degaanka ka jira iyo horumarka ay haatan ku nool yihiin dadweynaha reer Marka.



