Wasiirro Soomaaliyeed oo is casilay
Madax ka tirsan dowladda Soomaalida ee fadhigeedu Baydhaba yahay ayaa maanta is casilay. Waxay dhaliilo kala duwan u soo jeediyeen raiisal wasaare, Cali Maxamed Geeddi.
Qaarkood waxay ku eedeeyeen in uu diiday in Maxkamadaha lala yeesho wadahadal iyada oo qaar kalena ay ku eedeeyeen in uu ku xad gudbay Axdiga Qaranka.
Waraaqda is casilaadda waxaa ayaa waxaa ku saxiixan magacyo aan aan qaarkood xilka ay iska casileen aanuu ku caddeyn waraaqda:
Xuseen Maxamuud Shiikh
Wasiirka Tacliinta Sare
Maxamed Maxamuud guuleed
Wasiirka Horuymarinta Reer Miyiga
Cabdi maxamed Tarrax
Wasiirka Warshadaha
Cusmaan Caato
Wasiirka Hawlaha Guud
Maxamed Cabdullaahi Kaamil -
Wasiirka Iskaashatooyinka
Cabdikarim Axmed Cali
Wasiirka Lacagta
Fowzia Maxamed Sh Xasan
Wasiirka Haweenka
Cabdiraxmaan Xaaji Adan Ibbi
Wasiiru dowladda xiriirka baarlamaanka iyo xukuumadda
Maxamed Cali Bilaal
Wasiir ku xigeenka Beeraha
Mukhtaar Maxamed Yusuf
Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
Farxaan Cali
Wasiiru Dowlaha Qorsheynta
Cabdulqaadir Shiikh Maxamed Nuur
Wasiir ku Xigeenka Iskaashatooyinka
Ibraahim Xuseen Cali
Wasiir ku xigeenka Batroolka
Ibraahim Maxamed Deeq
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta
Maxamed Jaamac Furux
Wasiiru Dowlaha Dekeadaha
Cali Shiikh Maxamed
Xuseen cusmaan Xuseen
Axmed cabdiraxmaan Maxamed