Will this hurt this political party ?
Wakiilkii xisbiga SSUP ee magaalada Hargeysa oo xabsiga loo taxaabay
Somaliweyn -Hargeysa-01/08/06
Ciidanka Police-ka ee magaalada Hargeysa ayaa saaka xabsiga u taxaabay Cabdi Aadan Diiriye (C/raxiim) isaga oo jooga gurigiisa magaalada Hargeysa.
Ilaa hada ma cada sababta loo xidhay Cabdi Aadan Diiriye. waxa uu haatan ku sugan yahay xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargeysa halkaasi oo su`aalo lagu weydiinaayo.
Qaar ka tirsan ciidanka CID-da oo aan la hadlay ayaa ii sheegay in aanay hada bixinayn wax wara tan iyo inta uu baadhitaanku ka dhamaanaayo isla markaana su`aalaha la weydiinaayo Mr. cabdi si weyn looga boganaayo.
Soo qabashada Cabdi Aadan Diiriye (C/Raxiim) ayaa waxa amarkiisa bixisay laanta dambi baadhista ee magaalada Hargeysa, waxana ilaa saaka la weydiinaayay su`aalo dhowra oo sida la ii sheegay ay ka mid yihiin ururka uu sheegtay in uu ka shaqeeyo ee SSUP magaalada Hargeysa howlaha uu qabto iyo cida maalgelisa, waxa kale oo su`aalaha la weydiinaayay ka mid ahaa waa maxay sababta keentay in aad ka wado howlo aanu qaranku ogayn magaalada Hargeysa.
Cabdi Aadan Diiriye waxa uu waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyay shabakada wararka ee Somaliweyn taasi oo uu kaga hadlay arrimo dhowra oo ay ugu muhiimsanayd shaqada uu uga hayo ururka SSUP magaalada Hargeysa, taasi oo ay dawlada Somaliland ka cadhootay jiritaanka ururkaasi.
Ilaa hada wax wari kama soo bixin dhanka Xukumada Somaliland oo ku saabsan waxa ay ka ogaadeen baadhitaankaasi iyo su`aalahaasi la weydiiyay Mr Cabdi raxiim
Sidoo kale ururada xuquuqal insaanka ayaan ka hadal sababta loo xidhay iyo waxa ay ka ogyihiin xadhiga muwaadinkaasi.



