Page 1 of 1

General Education: PUNTLAND ROYAL FAMILY? !!!!!!!!

Posted: Sat Sep 02, 2006 8:45 am
by Daanyeer
http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=5702


USA: Maamulka Puntland Ma Boqortooyaa Mise waa Maamulgoboleed ?
Posted to the Web Aug 31, 16:05


Ohio:-Liibaan Muuse Boqor oo ah Wiil uu adeer u yahay Cadde Muuse Xirsi M/waynaha Puntland ayaa noqday Ninka ugu hawlo badan gobolka wuxuuna caan ku noqday dadaalka dheer ee lagu doonayo in lagula baxo khayraadka dhulka ku dihin , wuxuuna iminka hormuud ka yahay Shirkada ka baaraysa khayraadka Puntland ee Range resource.



Shirkada Range resource oo ah shirkad laga leeyahay dalka Australia ayaa markeedii hore gobolada Puntland waxaa keenay Dr.C/raxmaan Faroole oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta , hase ahaatee waxaa islamarkiiba la wareegay qoyska uu ka dhashay M/waynaha Puntland Cadde Muuse , waxaana hormuud ka noqday Liiibaan Muuse Boqor.



Liibaan oo iminka ku sugan magaalada Dubai ayaa halkaasi goob-fagaare ah ka sheegay in Shirkada Range resource ay mid ay si gaara u leeyihiin reer Boqor , ayna tahay in isaga kaligiis wax laga waydiiyo , maadaama uu yahay boqorka Ummadda islamarkaasna ah M/waynaha dalka.



Dhanka kale , waxaa jira warar sheegaya in shaqadii laga joojinayo Axmed Maxamed Cali (Axmed-kismaayo) Wariyaha BBC-da ee gobolada Puntland , kadib markii uu Idaacada BBC-da ka siidayay codad ay leeyihiin Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Puntland Yuusuf Axmed Khayr , Wasiirkuxigeenka Maaliyada iyo La-taliyaha dhanka Siyaada ee M/waynaha C/laahi Siciid Samatar , waxayna ka hadleen arimaha oo ay fikirkooda ka dhiibteen arimaha Maxkamadaha iyo Ethiopia.



Ilaa maalintii uu Wariyo cododkooda ka siidaayay Idaacada BBC-da waxaa socday shirar ka dhacayay Madaxtooyada Boosaaso oo ay isugu imaanayeen inta dawlada kaga jirta qoyska beesha uu ka dhashay Cadde Muuse , shirar kaasoo looga arinsnayo sidii laga yeeli lahaa Axmed-kismaayo.



Olalaha ugu ballaaran ee shaqada looga joojinayo Axmed-kismaayo shaqadiisa waxaa laga wadaa gudaha iyo dalka , waxaana guha hormuud ka ah Nuur Shire Cismaan , sidoo kale waxa dibada ka ololaynaya Liibaan Muuse Boqor.



Waxaase la yaab noqotay kadib markii madaxda sarsare ee Puntland ay qabsatay Masuuliyiinta fikirkooda ka dhiibtay Idaacada in ay ku andacoodeen in warkooda uu wariyuhu badalay , hase ahaatee lawada dhagaystay ama laga warqabo in uu wariyuhu uu codadkoodii si toosa u qaatay.



Waxaa is waydiin mudan , Maamulka Puntland Ma Boqortooyaa Mise waa Maamulgoboleed ? mar haddi dhamaan beeshu ay isku mowqif ka qaadatay arin aysan u gar lahayn.



C/laahi Yuusuf Maxamed

Ohio , USA