A human life means nothing to the so called islamic courts of mogadisho...
killing kids for just watching football has become normal in southern somalia..
how much of this will the people of mogadisho take.
at least the warlords never killed people for watching football.
Maleeshiyada Maxkamadaha Muqdisho oo shaneemo weerar ku qaaday dilayna hal ruux
Last Updated::2006-09-18 15:51:05
Muqdisho:- Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ayaa xalay weerar ku qaaday xarun shaneemo ah oo ay dhalinayaradu ku daawadaan Ciyaaraha Horyaalka ee dalalka Yurub.
Weerarkan ayaan la aqoon waxa dhaliyey ayadoo ay maxkamadaha hada kahor weeraro ku qaadeen goobaha lagu daawado ciyaaraha wakhtigii uu socday Ciyaarihii Koobka Adduunka, wakhtigaasi oo ay labo
qofood ku dhinteen weerar lagu qaaday goob shaneemo ah.
Sidoo kale waxaa horey loo xiray goobaha ciyaaraha lagu daawado ee xaafada Suuqa Xoolaha ee Muqdisho.
Weerarka xalay oo la xaqiijiyey inuu hal qof ku dhintay ayaa ka dhacay Xaafada Buula Xuubey ee koonfurta magaalada Muqdisho.
Raali gelin arrintan ku aadan ayuu saxaafada u gudbiyey guddoomiye kuxigeenka maxakamadaha Muqdisho, C/raxmaan Maxamud Faarax Janaqow, hase ahaatee ma jiraan cid loo qabtay dilka uu qofka ku dhintay.
Maxamed Cabdi
HorseedNet.com




