Gaadiidka Dagaalka Iyo Maleeshiyooyinka Gobalka GEDO Oo Ku Sii Socda Degaanka Dhoobley Iyo Degaano Kale Oo Ka Tirsan Jubbooyinka
Sep 22,2006
by Garbahaarey-Gedo News Network
Qebtii ugu horeysay ee ciidmadii gobalka GEDO oo ay wehiliyaan gaadiidka dagaalka ayaa la xaqiijiyey inay ku sii fool leeyihiin degaano ka tirsan gobalka jubbada hoose gaar ahaan magaalada Dhoobley oo ay ku sugan yihiin maleeshio beeleedyo la sheegay inay gacan saar la leeyihiin maleeshiyo beeleedka uu hogaamiyo Yusuf Indhacadde oo la xaqiijiyey in maleeshiyooyinkiisu ay ku soo jeedaan magaalada Kismaayo oo uu horay ugu hanjabay inuu weerari doono.
Sarkaal sare oo xog hoose siiyey Gedonet ayaa sheegay inay ka warhayaan inuu degaanadaasi ay ka jiraan dhaqdhaqaaq lid ku ah buu yiri Isbaheysiga Dooxada jubba ay dhan ka yihiin gacanna siinayaan maleeshiyo beeleedka Indhacadde oo iminka ku sugan degaano u dhow dhow magaalada Baraawe.
Sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu ka waramo ciidamada gobalka GEDo ee ku baxay Dhoobley iyo degaano kale oo jubbooyinka, balse sheegay inay tahay qeybtii ugu horeeysay ee ciidamada gobalka GEDO ee u dhaqaajiya dhanka Jubbooyinka, iyada uu sheegay inay jiraan kuwa kale oo diinwaan gelintooda iyo gaadiidkii loo diyaarinayo oo ay ka qeybqaadanaya weerarka looga hortagayo maleeshiyo beeleedka Indhacadde iyo Xasan-Turki.
Magaalooyin badan oo ka tirsan gobalka GEDO ayaa waxaa ka socda abaabul balaaran oo ay wadaan sarakiil taagersan isbaheysiga dooxada jubba.Goobaha diinwaan gelinta ciidamada gobalka GEDO ayaa waxaa buuxdhaafiyey maleeshiyo aad u badan oo ka xun weerarka ay isku kaashadeen maleeshiyo beeleedyada ay kala hogaamiyaan Indhacadde iyo Xasan-Turki.
Garbahaarey-Gedo News Network



