Guddoomiyaha guddiga fulinta golaha maxaakiimta Islaamka Sh. Shariif oo ka codsaday maamulka Somaliland inay sii daayaan Sh. Maxamed Ismaaciil.
October 05-2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.
Guddoomiyaha guddiga fulinta golaha maxaakiimta Islaamka Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa ka codsaday maamulka Somaliland inay sii daayaan Sh. Maxamed Ismaaciil oo jir dil iyo xarig loogu geystay xabsi ku yaala magaalada Hargeysa.
Sh. Shariif Sh. Axmed oo maanta ka hadlay xariga loo geystay Sh. Maxamed Ismaaciil kaas oo ku xiran xabsi ku yaala magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dadka Soomaaliya ay hore qalad uga galeen culumada Soomaaliyeed islamarkaana aaney habooneyn in la dulmiyo culumada.
Sh. Shariif ayaa sheegay in aan wanaag lagu gaari karin in dulmi loo geysto qof u taagan diinta Islaamka.
Guddoomiayaha golaha fulinta golaha maxaakiimta Sh. Shariif ayaa intaas ku daray in Somaliland ay ahaayeen kuwa markii hore ka dhiidhiyey xumaantii markii hore lagula kacay dadkooda islamarkaana dhulkooda ka abuuray nabad, waxa uuna sheegay inay ku ammaanan yihiin.
Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli qeylo dhaan ay ka soo baxeyso dhamaan culumada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho iyagoo si aad ah uga hadlay xariga loo geystay Sh. Maxamed Ismaaciil kaas oo isaga u dhashay asal ahaan Somaliland balse ah wadaad Soomaaliyeed oo u taagan fidinta diinta Islaamka.
Arrintan ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka loo geysto culumada Soomaaliyeed kuwaas oo aan waxba galabsan iyadoo culumada ay si weyn uga xun yihiin falalka ceynkaan oo kale ah oo ka dhacaya dal Muslim ah, waxa ayna sheegeen in si sharuud la'aan ah lagu sii daayo Sheekh maadaama aanu dambi kale geysan.
Sidoo kale dallada culumaa'udiinka Soomaaliyeed ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa cambaareysay falka lagu xiray Sh. Maxamed Ismaaciil oo haatan ku xiran xabsi ku yaala magaalada Hargeysa.




