MJ LEADER CADDE MUUSE TO SURRENDER PUNTLAND TO ISLAMIST
Posted: Fri Oct 06, 2006 6:36 pm
Cade iyo Shiikh Shariif oo la qorsheynayo in ay kulmaan
6 Oct 6, 2006, 13:11
Warar Garowe Online ka heshey ilo wargal ah ayaa sheegaya in magaalada Dubai ay ka socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu kulansiiyo Madaxwaynaha DGPL Maxamud Muse Xirsi "Cade' iyo Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Midowga Maxakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xaley booqasho ku soo gaarey wadanka Imraadka Carabta.
Dadaalka lagu kulansiinayo labada dhinac ayaa yimid kadib markii Maxamud Muse Xirsi "Cade' uu booqasho gaaban ku soo marey wadanka Qadar isaga oo halka kula kulmey Sheekh Maxamad Yasiin oo ah ganacsade dhalsho aahaan ka soo jeeda gobolada Puntland.
Sheekh Maxamad Yasiin ayaa waraysi uu dhowaan siiyay qaar ka mid ah saxaafada Somalida ayuu ku sheegey in Cade Muse uusan Cadow u aheyn shareecada Islaamka iyo inta ehelka u ah, hadii si fiican loola xiriirana laga hortagi karo khilaaf.
Dhinaca kale waxaa wadanka Qadar ku sugnaa mudo toban cisho ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed halkaas oo sida wararkanu sheegayan shiikh Maxamad Yasiin ka bilaabey xiriirka dhexmara Maxaakiimta iyo Madaxwaynaha DGPL Cade Muse.
Madaxwaynaha DGPL Puntland ayaa sida wararka ka soo baxaya Dubai ay sheegayaan in uu ku baajinayo la kulanka Maxaakiimta Kacdoon shacab madaama ay dadwaynaha Puntland rajo xumo ka muujiyeen in maamulka Puntland uu yahay mid sii shaqeyn kara kadib markii musuq maasuq iyo ku takri falida hantida shacabka ay gaartey heerkii ugu sareeyay.
Maamulka Puntland ayaa masaafurin ku sameeyay asbuucyadii la soo dhaafey dadwayne Somaliyed oo ka soo jeeda Gobolada Konfurta kuwas oo la sheegey in ay khal-khal siyaasdeed ku hayeen Puntland isla markaana mamnuucey imaanshaha diyaarada Daalo madaama la sheegey in ay ka soo qaadi laheyd magaalada Muqdisho Cisman Caato iyo dad kale oo Maxaakiimta tageersan.
Xildhibaan Cisman Caato uu safar xaga lugta ah ku yimid magalada Galkacayo ayaa ka sheegey Idaacada Galkacayo in uusan Maxkamadaha ka socon isla markaana yahay Xildhibaan ka tirsan dowlada Federaalka ah.
Warar Garowe Online ka heshey ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Xildh. Cismaan Caato uu marti u yahay maamulka Puntland isla markaana uu jiro xiriir ganacsi oo ka dhexeeya isaga iyo madaxada sar-sare ee maamulka Puntland safarkiisuna uu ku wajahan yahay magaalada Dakada ah ee Bosaso.
Magaalada Dubai ayaa waxa sidoo kale ku sugan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Shariif Xasan iyo Madaxa Amniga Midowga Maxaakiimta Yusuf Indhacade.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Barlamanka DF Soomaliya iyo Yusuf Indhacade ay xaley kulan afur ah ku yesheen Dubai iyada oo aysan jirin wax warar ah oo ka soo baxey kulnkaas.
Shariif Xasan iyo yusuf indhacade ayaa siyaasad ahaan aad u kala fogaa tan iyo intii DFKMG ah ay fariisin ka dhigatey magaalada Baydhabo.
Sidoo kale waxa kulankaas mid la mid ah dhexmaray Madaxwaynaha DGPL Cade Muse iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan iyada oo aysan sidoo kale wax warar ah ka soo bixin.
Kulamada iyo dadaalada ka socda magaalada Dubai ayaa waxa ay saameyn siyasadeed ku yeelan doonaan xiriirka u dhexeeya maamulka Cade Muse iyo Madaxwaynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf.
Cabdulaahi Yusuf ayaa wararka qaar sheegayaan in uusan xogogaal u aheyn xiriirka dhexmarey Madaxwayne Cade iyo Maxaakiimta balse ay tahay taalabo uu kaga hortagayo in uu ku baajiyo kacdoon kaga yimaada dhinaca shacabka Puntland
Ka dhiibo fikradaada ku aadan kulankaan adiga oo ku soo diraya contact@garoweonline.com
Garowe Online