Postby gurey25 » Mon Oct 09, 2006 7:43 am
Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowadda KMG ah oo la wareegay Buur-hakaba
Buurhkaba 09, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo ethiopian ah oo ay la socdaan kuwa dowladda Somalia ayaa isku gadaamay degmada Buur-hakaba oo horey u aheyd magaalo ka madax banaan dowladda iyo Maxkamadaha, iyadoo wararkii ugu dambeeyana ay sheegayaan in ay ka soo gudbeen deegaanka Buur-hakaba oo ay soo aadeen dhanka deegaanka Leego.
Ciidamada Ethiopianka ah ee soo galay gudaha magaalada Buur-hakaba, oo ay wehliyaan ciidamada taageersan dowladda Somalia ayaa kulamo ay la qaateen odayaasha buur Hakaba Ka dib waxa ay u soo ruuqaansadeen dhinaca deegaanka Qardho oo 20 u jira deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose.
Ilaa 5 baabuur oo kuwa Uralka ah ee ciidamada Ethiopia lagu yaqaan ayay indhoodu qabteen dad jooga magaalada Buur-hakaba oo codsaday in aan mahacyadooda la shaacin, waxaana dadkaasi ay codsadeen in ay ka baxaan deegaanadooda ciidamada soo galaya saakay, kuwaasi oo ay yiraahdeen waxa ay sabab u noqon karaan isku dhacyo dhex mara iyaga iyo kuwa Maxkamadaha.
Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Max'ed Cabdi Xuseen Owkaareey oo kulamo la qaatay saraakiisha hogamineysa ciidamada soo galay magaalada Buurhakaba ayaa shabelle u sheegay in aysan ku jirin kuwo Ethiopian ah, waxaana uu intaasi raaciyay in uu la kulmay Col. cabdi Madoobe iyo Col. Saciid Dheere oo hogaaminaya ciidamada dowladda oo ku hubeysan ilaa 30 baabuur oo kuwa dagaalka ah, waxaana uu sheegay in ay kala hadleen wax ka qabashada arimaha nabadgalyada wadada isku xirta Buur-hakaba iyo Baydhabo iyo kalsooni dhisid dhex marta dowladda iyo dadka magaalada Buur-hakaba sida uu yiri.
Owkaareey oo sheegay in uu yahay gudomiyaha sharciga ah ee magaalada Buurhakaba ayaa ku gacan seyray suurto galnimada in deegaanadaasi ay soo galeen ciidamo Ethiopian ah sida ay qabaan Maxkamadaha islaamka, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay taxadir in laga muujiyo arinkaasi.
Hasayeeshee waxaa jira walwal isi soo taraya oo la xiriira talaabooyinka xiga la wareegista degmada Buur-hakaba, oo muujineysa in ay markaan yimaadeen meelo ay isaga dhow yihiin falal keeni kara isku dhacyo dhex mara dowladda iyo Maxkamadaha oo sheegaya in ciidamo Ethiopian ah ay yimaadeen degmada Buurhkaba.
Waxii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe