He was a great Somali hero. If it wasnt for him we would be all gaalo like Galol. His grandfather was one of the few Isaaqs who were already converted in the Christian missions.
Read this. Walaahay I copied it from an Isaaq website
Markii uu gumaysigu soo galay arlada soomaalida waxa la yimi oo weheliyey kooxo horseed u ahaa waxbarasho ka soo jeedda oo laga soo dheegtey Diinta Kiristaanka. Waxa 1891 dugsiyo noocaas ah oo Baaderi (wadaad masiixi ah) madax u yahay laga furay magaalada Berbera iyo Bulla-xaar. 1905-tiina waxa laga furay magaalada Saylac. Waxa dugsiyadaas ugu caansanaa Dhaymoole oo ahaa duleedka Berbera. Dadkii soomaalidu waxa ay ka hor yimaaddeen furitaanka dugsiyadaas. Waxa soomaalidu la diiddanayd ubadkooda in la baro diin aan ahayn diintooda Islaamka, waxana soo baxay dareen muujinaya in qasdiga ka dambeeya iskuulladaasi uu yahay mid la xidhiidha fidinta Diinta Kiristaanka. Sidaas darteed way xidhmeen muddo ka dib dugsiyadaasi. Iskuulladaas Baaderiga raggii ugu horreyey ee waxbarashada ka bilaabay waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Xaaji Faarax Oomaar, Xuseen Kaatoli, Ciise Faranji, Axmed Cali (Maykal Maryama aabbihii), Fideer, Maxamuud Diiriye Suulaawe iyo qaar kale. Waxa markii dugsiyada Baaderigu xidhmeen nimankaas loo qaaday dhinaca magaalada Cadan oo looga sii ambaqaaday tacliintaas Baaderiga.