whats wrong with the bloody fools in somaliland....first the poor 16 year old girl, then the sheik,the killing all non isaaqs.... now it's arrest anyone whos not isaaq. this is crazy. and can not be normal...these people are weirdo's what are they scared of...such cowards...!!!
HARGEYSA: Suxufiyiin ka kala tagay Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland oo lagu xirxiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa
Posted to the Web Oct 14, 19:35
Hargeysa (PP) - Waxaa lagu xirxiray Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysan in ku dhow 18-suxufi oo ka tagay Koonfurta Soomaaliay iyo Maamul Goboleedka Puntland, kuwaasoo u tagay inay ka qaybgalan siminnaar ay soo qabanqaabiyeen UNICEF iyo WHO.
Suxufiyiinta oo ka kala socday xarumo warbaahinta oo ku yaalla Muqdisho, Boosaaso, Garoowe iyo Kismaayo ayaa lagu xirxiray xarun loogu talo galay in lagu xiro dambiilayaasha baaritaannada lagu sameynayo, waxaana la sheegay inaysan ijrin cid xiriir la sameysay illaa iyo hadda.
Qaar ka mid ah Suxufiyiinta ayaa sheegay inaysan afurin, waxaana ay sheegeen inaysan xiriir la sameyn hay'adihii halkas geeyay ee siminaarka u geeyay, iyagoo qabsashadooda ay qabsadeen booliiska Somaliland ku sheegay inay tahay iyadoo Wasaaradda Warfaafinta Dowladda isku magcowday Somaliland ay sheegtay inaan lala socodsiin socdaalka Suxufiyiintaan.
Suxufiyiintaan qaarkood ayaa waxay sheegeen inaysan ka qaybgalayn siminnaarka loo geeyay halkaas oo ay dib ugu laabanayaan goobihii ay ka yimaadeen, waxayna sheegeen in xurriyadoodii laga qaaday inay hadalaanna loo diiday.




