Postby Samatr » Sat Oct 14, 2006 11:25 pm
Saturday, October 14th, 2006
Gabadh Reer Somaliland ah oo Qawlaysatada Putiland ay 5 sano ku xukumeen
Xaawa Xusen Xandule oo ah haweeney dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo mudo haatan laga joogo sadex bilood booqasho ku tagtay magaalada Bosaaso oo ay degan tahay walaasheed ayaa lagu eedeyay in ay waday howlo shirqool ah oo ka dhan ah dadka ku nool magaalada Bosaaso.
Waxana lagu eedeeyay in ay Somaliland soo dirtay.
Xaawa Xusen waxa loo taxaabay xabsiga magaalada Bosaaso ka dib markii ay ciidanka magaaladu xabsiga u taxaabeen kuna soo eedeeyan in ay howlahaasi waday waxana la soo taagay maxkmad ku taalada magaalada Bosaaso ka dibna bishan bilowgeedii ayaa maxkamada magaalada Bosaaso waxa ay ku xukuntay shan sano oo xadhiga.
Waxa kale oo Xaawa loo gaystay intii ay ku jirtay xabsiga magaalada Bosaaso jidh dil aad u xun kaasi oo dadkii arkay ay sheegeen in ay ka muuqdaan jidhkeeda dusheeda.
Xaawa Xusen oo aan waxba galabsan waxa ay dadka ku nool magaalada Bosaaso sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin xukunka lagu riday maadama ayay yidhaahdeen ZamZam loogu aargudaayo. Waxana ay sheegeen in Xaawa la marsiiyo ayay yidhaahdeen wadadii la mariyay ZamZam.
Ehelada Muwaadinad Xaawa Xusen ayaa sheegay in ay aad uga warwarsan yihiin xaalka ay ku sugan tahay inantoodu. Iyo waliba sida ay u tahay qof aan dambi galin, waxanay sheegeen in ay dhowr jeer arrintaasi kala hadleen masuuliyiinta sare ee Puntland xaalkooda balse ay u sheegeen in ay ugu aarayaan ZamZam sidaasi daraadeedna ay nin walba markii tahay.
Sidoo kale ururada Xuquuqal Insaanka ee magalada Bosaaso ayaan war cad ka soo saarin sababta loo xidhay Xaawa Xusen Xandule iyo waliba jidh dila loo gaystay,
Tan iyo markii ay soo baxday sheekada ah in Xaawa Xusen Xandule lagu xidhay xabsiga magaalada Bosaaso waxa ay dadka ku nool magaalada Hargeysa aad isha ugu hayeen bal halka uu maro xaalkeedu. Hasa yeeshe waxa ay rajadu luntay markii lagu jidh dilay xabsiga dhexdiisa iyo waliba xukunkaasi lagu riday.
wixii warara ee ku soo kordha xaalka muwaadinad Xaawa Xusen waxa aad kala socon doontaan halkan, oo aanu si toosa idiinku soo gudbin doono kolba wixii ku soo kordha
Source Golisnews.com
===============================================