Postby Cilmiile » Sun Oct 15, 2006 1:46 pm
Shir uu soo abaabulay Xasan Jaanici oo shalay ka dhacay Mennisota ayaa waxaa ka Soo Qaybgalay Rag ay ka mid ahaayeen Prof Ahmed Ismaaciil Samatar, Waxayna ahayd Markii ugu horeysay oo Profku uu ku Gacansayro Barnaamijyada Maxkamaduhu wataanÂ’Â’ Cimaamad aan madax ku duubtay iga dhigimayso SheekhÂ’Â’
Prof Samatar ayaa la sheegay in aragtidiisa uu ka dhiibtay sida uu u arkayay Maxkamadaha Midoobay ee Alitixaad Alislaamiya, waxa uuna sheegay in ay la mid yihiin ururkii Talibaan ee Maraykanku dagaalka la galay.
Profku waxa uu sheegay in is hortaaga Saxaafada, xaqirida xaqa dumarka iyo inay bulshada ka midyihiin haweenku Maxkamaduhu ku guuldaraysteen, waxaana ay sameeyeen dagaalo aan loobaahnayn iyo awood balaarin, mana ahayn wax shacabka soomaaliyeed ay ka sugayeen.
Qaadkaanu mamnuucaynaa, shaneemoooyinkaanu mamanuucaynaa, qofkii dumar ah ee aan madaxa masar saarin waa la karbaashayaa, waa sheekooyinkii Taliban, mana laga yeelayo Maxkamadaha.
‘’Shacabka soomaaliyeed waa inay helaan xuriyad ay ku hadli karaan, xoriyad ay Diinta ay doonaan ku raaci karaan, xoriyad ay dhulkooda ugu noolaan karaan, hadii intaas la waayana maxkamaduhu waxay marayaan wadadii Talibaan iyo ka sii xun, anaguna waxaan ka mid noqonaynaa kuwa la dagaalami doona oo iyaga ka soo horjeesan doona, waa hadii aysan wax ka badalin qaabka ay meelaha ay ku suganyihiin ku maamulaan.’’
Profku waxa uu sheegay in qofka soomaaliga ah hadii uu noqdo masiixi uu dhulkiisa ku noolaan karo, waa qof soomaali ah, isaga iyo ilaahiis ayay u taalaa waxa uu caabudayo, dalku waa dalkiisii, maxkamaduhu inay dilaan xaq uma lahan, aduunkuna ilgaar ah ayuu ku eegayaa ficilada Maxkamadaha, waana wax loo kaydinayo.
Waxaa kale oo shirka ka hadlay xasan jaamici oo sheegay inay sameeyeen Urur lagu magacaabo Ururka nabada iyo Isku xirka Maxkamadaha, waxa uuna shirka ka sheegay in loobaahanyahay lacag loo diro Maxkamadaha Muqdisho, isaga oo sheegay in Magaalada ay joogaan looga baahanyahay $10.000 oo doolar, isaguna uu yahay ninka ugu horeeya ee lacagtaas wax ka bixinaaya, waxa uuna miiskii shirka ee la fadhiyay uu ku bixiyay $500.00 oo doolar.
Xasan Jaamici ayaa la sheegay in shirkii uu ka sheegay hadalo uu markaa ku doonayay in maxkamadaha dhaqaalo loogu ururuuriyo, isaga oo soo daliishaday sheekooyin Magaalada Muqdisho ka dhacay oo ay ka mid ahaayeen in halka nin ee Maxkamadaha ah ay ilaa 3 ama 4 nin oo Mooryaanta magaalada Muqdisho ku sugan uu u babac dhigi karo, waana haybad ay bulshada ku leeyihiin iyo geesinimo dheeraad ah , oo ninkii cimaamad Guduudan lagu arko dadka oo dhan ayaa kala cararaya ayuu yiri.