Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Caaqil Maxamed Jamac Axmed Shire

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Galol
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3754
Joined: Sun Aug 26, 2001 7:00 pm
Contact:

Postby Galol » Fri Oct 20, 2006 8:16 pm

Cilmiile

So are you saying Muuse Ismaaciil were lousy, treacherous hairdressors?

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Tue Oct 24, 2006 11:07 am

Xinahanaad sheegayso waa figure of speach ee rag Reer Cawl Muuse Ismaaciil ah hada waa ragii Cumar Camay oo ahaa madaxi Dhulbahante dharaar cad ku dhex toogtay badhtamaha magaalada Burco labo Cali isma weydiin ragaa kibirka wax ku tooganayaa timo u xineeyey labo oday oo Dhulka ah cidi kaa ismici mayso

Ku raaxayso gabayadan soo socda from Yawle


Maxamed Aadan Caws "Yawle" (HY)

Yawle ayaa ceelka Caynaba tegey isaga iyo ergo uu ku jiro oo Dhulmahante mag ka doonaysa.
Yawle wuxuu arkay xamaasadii ka dhex aloosnayd Dhulmahante iyo habr jeclo . Isagoo ka
digaya cawaaqibxumida ay leedahay colaaddu ayuu ku geeraaray

Haddii aan la heshiininoo Hagaag loo wada daaqin
Oo annagaa Habarwaayiyo Harttiyeeyda la deeynin
Isaaq waa isku hayboo Waysku hooyiyo aabbe
Hayaaydaa kordhi doonta Arabbaa hirka jiidhi
Awalbaa hubka qaadan Habar Yoonis galbeediyo
Hargeesaa iman doonta Habeen lays miri maayo
heelka Caynaba weeyn Ya hadhka laysu badhedhi
Qoluunbaa ka hagaagi Dabedna hawdka dhexaa
Harraad loogu idlaane Toloow maa la heshiiyo

Waxyar ka dibba waxaa dhacay dagaalkii Caynaba ay isku muquuniyeen Habarjeclo iyo Dhulmahante. Yawle gabaygan caanka ah ayuu ka tirshey xiisaddaas isagoo dhanna uga dhigayey Samatar Baxnaan oo gabay tirshey ka dib markay dileen dhawr nin oo Muuse Ismail ah. Wuxu yidhi Yawle; Sidii oday malluugaha bartiyo moorada iyo faalka
Bal aan mariyo maansada anay igu majeertaane
Maskan iyo Cagaar Habar Jeclo mooyo tumanaysa
Oo midhaha dooggiyo ka badan maadha iyo ciidda

Masaakiin la dhaco waydinkii moodey reerahae
Marraaq lagu gubto iyo bay noqdeen muriyo waabaye
Muusiyo Qudeer uga aroor maalki reer Hagare
Imikay ku meermeerayaan Miilo iyo Laase

Madda kama helaan inamadii magaca waynaaye
MadaxGaallo iyo Toommo iyo Magan Xawaalkiisa
Maatadu haraad Samataroow waa ku madhataaye
Moqorraysta waataad arliga madhax u diiddeene

Kana macaasha waataad in badan maya lahaydeene
Malatari cadhoodaa lafbuu malaw ka siiyaaye
Maroodiguba soo jeesigaan maaro loo heline
Malyoon lagu dhinto bay dhigeen marinkii ceelkiiye

Ragse hadu magliga soo rogtoo kala maqnaan waayo
Muslin iyo kufriba waa inay maalin diriraane
maatada rasaas lala dhacaa malaha maamuuse
Makhrib reero degey tuugag baa mira habeenkiiye

Marjaf lama ammaanee baqii magane yuu raacay
Misir iyo Madheedh iyo Galgalo maye ragi joogay
Mataanaha gobka le Kahinaw waa lagama marmaane
Maryo Dhiig le baa lagu furtay iyo mayd la qawracaye

Iminkaan masqaro loo dilayn meel nin jiifsadaye
Mudo aan yarayn baan Nugaal muranto taagnayde
Ay qoloba qolo maaganayd inay maquunshaane
Allaylehe Isaaq baa mulkiyey maaxdi Caynaba'e

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Tue Oct 24, 2006 11:10 am

Maxamed Aadan Caws "Yawle", HY
Gabaygan wuxuu ka mid ahaa silsiladdii Daarood-ku-xaar.

Toorrida kuwii lala dhiciyo teerigii waranka
Kuwii shiihska lagu taagayee jaaha laga toogtay
Tusbax go'ay sidiisii kuwii tarabka loo laayey
Tafaariiqda nimankii guryaha lagu tadcaaraayey

Toddobaatan iyo dhawr kalaan teella loo dhigane
Waa tii ay tasoobeen sidii tiradi xoolaaye
Tumbushooda waatii la dhigay teedki Gumarroode
Daaroodka lagu taamayaa tacaddi weeyaane

Toddobaatan Geeliyo ninkii tira laxaad dhiibey
oo midab Tiriigleey arkoo tahan ku faallooday
Oo Guga aroos loo turqiyo tanafas eegaayey
oo xaajadiisii tognayd wiil ka kala tuuray
Oo gabayga loo tirinayaa tacaddi weeyaane

Quruumaha tartamayee u kacay tab iyo leexleexa
Nin waliba wixii uu tabcaday taw la soo yidhiye
Tumaal buu ahaa Muuse Dhiil taajna loo xidhaye

Waatay dhammaan taabaceen tala-xumaaliiye
Talyaaniga Triipoli haddii maalin laga taabay
Tagoogada waxaa looga xidhay tacaddi weeyaane

Tanac-tanacdu waa inan-gumeed tamaradiisiiye
Tol haddii u lee yahay waxbay tari lahaayeene

Marna haddanu dhawr tooganayn tookha haw miyine?
Tiiraanyadiisa ha qabo ee ha u tiraabina'e
Hana toosin waa gama'sanyay tuugga Habarwaaye

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Tue Oct 24, 2006 11:19 am

DawdarFalan

Maxamed Aadan Caws "Yawle"

Ninka La odhan jirey Maxamed Cumar Dage oo guubaabainayey Dhulmahante ayaa dhawr gabay iska danabaysiiyey. Gabaygan wuxuu ku guubabinayaa
Dhulmahante inay dilaan niman cuqaal ah oo reer Burco ah. Guubaabadan wuxuu Ina Cumar Dage kaga jawaabayay tii Cali dhuux. waxaa ka mid ahaa gabaygiisaa

Sheybiyo haddii aan la layn ina shiraa Jaamac
Haddaan shiqiga colujoog ka tegey loogu shalax siinin
Ararsame shafkii maaha iyo shuunki reer boqore
Hanasheeganina waxaydin dhalay beliyo shaydaane

Sanadkaasuu misana soo gabyoo tirshey gabay kaloo guubaabo ah oo ku kicinayo dhulmahante kuna tilmaamayo guulo uu leeyahay waxay u soo hoydeen ogaadeen. Wuxu ka mid ahaa gabayga
danbe ee Maxamed Cumar dage

Ogaadeen Dannood iyo dig iyo durugsey ceelkii dheh
Deegaanka Xagarreyna waa degel Makaahiil dheh
Daaftii Garaad Faaraxbaa daad ka soo galay dheh

Halkaa markay marayso ayaa Cali dhuux ugu jawaabay Ina Cumar Dage sidan;

Gunbaan ahay ganbocad ban xidhnay iyo garnaagode Laughing
gashaantida sidedoo kalaan guur u sugayaaye Shocked
Anigiyo hablaha loo galmoon waa gudboonahay Very Happy
Jeer oon ganboorka iska rogo guudka iga saaran Laughing
Godobtaydu HabarYoonis waa lagama goostaane Cool
Ugaadeenka noo soo gabyow waa gar xaajaduye.

Yawle oo ka jawaabaya gabaygaa Maxamed Cumar Dage iyo calaacalka Cali dhuux wuxu yidhi. wuxuu yidhi:

In dhaweydba doodiisa gabay daayayoo dhigaye
Dahrigayga waataan ka jaray dihashadiisiiye
Marba aniga oo daayey baa mid i danqaabaaye
Caawana digbaa igaga timi Haradi Doolloode

Hadba dawdar falan baa ka kaca nimanka Daaroode
Wixii Daarufley laga samray bay dibada keenaane
Dadka oo nabad isaga joogabay dacar ku oogaaye

Ina Cumar Dagoow waxa la yidhi diidde nabadiiye
Dekenada Isaaq waa beryaba waad dewerisaaye
Docmo nimanka yaalbaad intaa duula leedahaye

Dadka kama xishootaan markaa dili karaysaane
Siday dawladuu ugu kulmeen dunida hoosteeda
Anagu deyney Dibisyoonadii nimanka Daaroode

Denbi kama shaqayniyo colkii diiqanlayn jiraye
Dullinimo sidaa nooma gelin daacadda Ilaahe
Dabci gobannimaan leenihiyo dul iyo misaane

Daratoole iyo Caado oo wada diraabaaya
Danbar kulule daahyaalihii Deero laga qaaday
Markii udubkayagu daadsanaa Daaqatiyo Faafan

Ee geelayagu diisha dheer daaqa ka idleeyey
Goortuu dubbuu nagaga dhacay Dalalna ooyaayey
Duqa Cali ogaadeen markuu diradiraynaayey

Daa'ima caruura iyo markuu doqon ku sheegaayey
Dorraad hadalku waakii ahaa Doollo laga qaadye
Ma dabkii Talyaanigu qubaa daafad kugu biirshey

Ma dibbaa naloo tumay raggii dilayey sow miihin
Dalkan laysku haystaaba waa degeladiiniiye
Xagaa durugsateen gabaygu waa idinku deelqaafe

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Tue Oct 24, 2006 11:25 am

Ina Cumar Camay ka carar meesha laan la toogan sidii odaygii adeerkaa e Laughing


Iga daa Maxmuud Garaadkan Reer Cawlku xalaalaystaye waxaad iiga waranta ragii aad ilaamdeerka ahydeene Naageeye Axmed oops Naaleeye Axmed xagay ku dambeeyeen, waxaa igu war ah sidii Muuse Ismaaciilka waaweyna ilaah baa weyne Gadhweyn uuga saareen magaalada Ceerigaabo iyo agagaarka Sanaagba uuga safeeyeen waxay isaga guureen xagaa ilo Laas Canood magana waxay u hiin Faarax Garaad Very Happy

Iskaga soo noqda magaalda ku dheh hadaad aragto Warsangeliba waakan soo laabtaye

Cadaado
Posts: 136
Joined: Mon Jan 07, 2002 7:00 pm

Postby Cadaado » Tue Oct 24, 2006 11:49 am

Caaqilka dhintay naxariistii Jannada Allaha siiyo, dambigiisana Allah haw saamaxo. Aaammiin.

User avatar
Sakhraan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3346
Joined: Tue May 23, 2006 7:14 am
Location: Hornyville.

Postby Sakhraan » Tue Oct 24, 2006 4:28 pm

[quote="Samatr"]Its like this (Ismaciil) Garxajis Sheekh Isaxaaq had two sons Daauud Garxajis (Ciidagale) and Saciid Garxajis (HY).

Sacaiid Gaxajiis (HY) had two sons Cali Saciid (HY) and Carre Saciid (HY)

Carre Saciid had
Muuse, Ismaciil, Isaxaaq, Makaahiil and Dandaan.
Ismaciil Carre are the largest HY, there are too many name from his descendants the more notable descendants are Xirsi Cismaan, Muuse Ismaacill, Muuse Cabdalle.
Isaxaaq Carre are second largest, I am not too familiar with Isaxaaq.
Muuse Carre are the smallest of the HY, basically the brains of HY. :lol
his more know descendants are Jibriil the most numerous,Muxumed Adan least numerous, Muuse Adan, Damal Muuse, Cali Aadan.
Makaahiil and Dandaan are extinct I believe. Laughing[/quote]


''I am not too familiar with Isaxaaq''

I used live among the Isaxaaqs in Xaargeysa, and they don't consider themselves as Habar Yuusto . Anyway Isaxaaqs are > Abdalle , Qaasin and Kaliil Isaxaaq



SAKHRAAN,SEEKER OF TRUTH & JUSTICE

Galol
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3754
Joined: Sun Aug 26, 2001 7:00 pm
Contact:

Postby Galol » Tue Oct 24, 2006 4:48 pm

Xidigta

Welcome back. Long time no see. You are a Master in Gabay. I love Yawle because he goes straight to the point (like I must admit Ismaaciil Mire) without the pompous preludes of supposedly bigger poets than both of them.

The fact that Habr Yonis defeated Daarood clans in the North and West is beyond historical doubt - they admitted it and nothing is better than your foe accepting defeat. Habr Yonis are the warriors of the North while Dhulos and habr Jeclo fistfight about petty wells, Habr Yonis fought strategically pushing both Ogadeen and Dhulbahante all over the region, gaining land and watering wells.

Cilmiile
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3722
Joined: Mon Apr 30, 2001 7:00 pm
Location: Dabkeenaa bakhtiya roobna waa ina dul joogaaye

Postby Cilmiile » Tue Oct 24, 2006 7:21 pm

War ninyow gabdhihiina gabay bay nagu bareen. Xidigta, sister relax this is not your thing. If you are Muuse Ismaaciil, you can justifiably be proud of Yawle: he was a great poet and fighter.

But in all honesty Dhulbahante and Isaaq cannot be compared when it comes to courage and fighting spirit. Dhulbahante were the overlords and masters of northern Somalia.

" waa ragii Cumar Camay oo ahaa madaxi Dhulbahante dharaar cad ku dhex toogtay badhtamaha magaalada Burco"

Is this really anything to brag about? Camey was killed in revenge of the 13 Habar Yoonis English soldiers commanded by Nuur Guun who were killed at Harawaati by Reer Hagar, after they attempted to disarm Reer Hagar, in accordance with a British colonial edict. Thereafter Muuse Ismaaciil took revenge on a widely respected cleric and tribal elder who was an honoured guest in an Isaaq town.

Imagine a Dhulbahante man killing ina Kaahin at Garaad Jaamac's investiture in revenge for all the Dhulbahante killed by Kaahin when he was in SNM, some in cold blood as at Haye. No Credit, No honour will accrue to Dhulbahante. And most certainly no Dhulbahante man would boast about it.


My favourite Yawle lines I will share with u.

Hagar Aadankiyo Khaalidkaan Hawd u mari waayay

and

Cabdalleba waxa igaga kulul kiiska reer Hagare
Ragga Kibirka lagu laynayaa igaga kaar weyne

This after Reer Hagar started killing off the Muuse Ismaaciil. Close to 30 Muuse Ismaaciil were killed in revenge.


Samatr,

I respected your wish to keep this thread free of tribal bashing but I just want to teach some history lesson to this young lady from the Muuse Ismaaciil Hairdresser family lol

Btw, One of these Chief Caaqils mentioned by Ina Cumar Dage was unmentioned by Xaarplaya

Ina Muruqliqe was a Cabdi Xirsi chief caaqil and he was married to a Muuse Carre lady from a famous family(Ina maxamed Warsame). Some of my relatives are related to that family by marriage.


Galool,

Habar Yoonis were one of the biggest losers in the aftermath of the conflicts that raged in Somalia. By the time all was said and done, they lost huge tracts of land to the Habar Jeclo and they were forced to withdraw from all the land they grabbed from the Ogaadeen in the early twenties. By the forties their only dry season water wells were oodweyne or begging the Ogaadeens in the Hara Doollo bore wells. If it were not the advent of Berket digging, they probably would have died of thirst and starvation. A lot of Berkedo were dug in Gaashaamo region.

Galol
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3754
Joined: Sun Aug 26, 2001 7:00 pm
Contact:

Postby Galol » Tue Oct 24, 2006 7:35 pm

Cilmiile

Xidigta is a girl? What are you on about? I always thought Xidigta was man? If not then how wonderful and brilliant it is to welcome a great Habr Yonis queen of superb knowledge of our greatest Arts - Clannism and Gabay to this board. Snet is even better than I thought.

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Fri Oct 27, 2006 12:18 pm

Ciilqabe. Kamaad jawaabin suaashaydii ahyd xagay ku dambeeyeen nimankii ilmaadeeradaa Naaleeye Axmed Very Happy


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 22 guests