Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Caaqil Maxamed Jamac Axmed Shire

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Caaqil Maxamed Jamac Axmed Shire

Postby Samatr » Tue Oct 17, 2006 6:20 pm

Allaa yarxama ilaahay ha uu naxariisto Caaqil Maxamed Axmed Shire.

Niya
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2955
Joined: Sat Jun 02, 2001 7:00 pm
Location: At the end of the tunnel, waiting for the light to come on.

Postby Niya » Tue Oct 17, 2006 6:57 pm

Ilaahay haa uu naxaariisto, waxuu xijaabtey bil barakeeysan.

Was he a madax dhaqameed?

User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Postby Samatr » Tue Oct 17, 2006 7:28 pm

Yes he is Caaqil of HY.

User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Caaqil Maxamed Jamac Axmed Shire

Postby X.Playa » Wed Oct 18, 2006 11:56 am

[quote="Samatr"]Allaa yarxama ilaahay ha uu naxariisto Caaqil Maxamed Axmed Shire.[/quote]

Maxamed Jaamac Axmed Sire or Maxamed Axmed shire??

You got me confused sxb, if my H.Y history serves me well i think his father was the Hagar Beyle caaqil section of Muuse Care.

Sheybe iyo hadaan la dilin ina Shiraa Jaamac
Hadaan shiqibka Col-u-Joog looga shagax siinin
Ararsame ma aha shafkii iyoo shuunkii reer boqre.
Hana sheeganina waxa idin dhalay tan iyo shaydaane
(Maxamed Cumar Dage)

Cawad Shire haddaan lala helayn, holaca baaruudda,
Ama aan Maxamed lagu haanka jarin, haalig la afeeyey,
Heegaduu fadhiyay Muruqliqaan, heermi laga yeelin,
Faarax-Suusle aan lala hormarin, gumuc haliilaaya,
Ama aan Jaamac hilibkiisa weyn, haadda la cunsiinnin


I was looking for the right name of his grandfather in these poems iam assuming this the grand son the one who just passed away now.

1- Maxamed Col U joog was the cheif caaqil of the reer Cawl

2- Faarax Suusle the cheif caaqil of the Xirsi Cismaan

3- Jaamac Shire the cheif caaqil of a section of the muuse care

4- Cawd Khuurshe a cheif caaqil of another section of the Muuse Care

these were the great H.Y cheifs the Daarood vowed to kill during the Guba years and both the Xaarti and the Ogaadeen failed to do so. Despite the Habar Yoonis kiilling of 2 Daarood Caaqils and the Ogaadeen Ugaas, Ugaas Kooshin...

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Postby Dhaga Bacayl » Wed Oct 18, 2006 12:08 pm

Wuxuu ahaabaa he is dead now...ILAAHAY HA U NAXARIISTO

User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Postby X.Playa » Wed Oct 18, 2006 12:09 pm

haduu dhintay ma taariikhdaa dhimata?

User avatar
Ashlee~
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5989
Joined: Thu Jul 06, 2006 5:39 pm
Location: Hogtown
Contact:

Postby Ashlee~ » Wed Oct 18, 2006 12:14 pm

allehu naxaariisto marxuumka.

Xplaya

How come your not saying your condolences. OH I forgot your gaal Laughing

User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Postby Samatr » Wed Oct 18, 2006 12:14 pm

X.Playa

Caaqil Maxamed Jaamac Axmed Shire is the descendant of Sharmaarke Baasha. He is the chief Caaqil for all Muuse Carre even though he hails from one of the smaller branches.

User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Postby X.Playa » Wed Oct 18, 2006 12:18 pm

Oo hadaa Ina Shaarubo xiir iima sheegine, ilaahay haw naxariisto

User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Postby Samatr » Wed Oct 18, 2006 12:32 pm

X.playa

I have been meaning to ask you, who is this Ina Sharuubo Xiir? Laughing

User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Postby X.Playa » Wed Oct 18, 2006 12:48 pm

Laughing dee waa isla reerkan aad sheegaysid.. faracii Xaaji Sharmaarke, odayga Shaarub maanad aqoon?

ma sidaas baad muuse care ku tahay?

User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Postby Samatr » Wed Oct 18, 2006 5:36 pm

Xaaji Sharmaarke abtiriska Cawwad Cali uun baa iskugu nimaadnaa, inaadeerkay buu awoowe uu ahaa dhinaca hooyada Caaqilkani, adeerkayna caaqilka inantiisu qabaa.
Reer la yaqaan baan ka ahay Muxumed Aadanka, tilmaamtaas baa kugu filan hadaadba garanayso Cawwad Cali. Laughing

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Thu Oct 19, 2006 9:50 am

Ilaahay ha u naxariisto marxuunka


Waar Samatar ilayn Jibriil Aden baad ahayd inaadeer, Ceergaabaawi asal ah

User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Postby Samatr » Thu Oct 19, 2006 11:16 am

Inaadeer Muxumed Aadan baan ahay.

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Thu Oct 19, 2006 12:13 pm

My bad Inaadeero, Muxumed iyo Jibriil waa isla xagii'e Very Happy Cawad Kharrshe miyaano ahyn ninkii naagta Dhulbahante ee quruxda badnayd ninka Haber Jeclo kaga qaaday Burco, rumor has it labo nin oo HY midna Muuse Carre yahay ka kalena Muuse Ismaaciil yahay ayaa arkay naagtan oo suuqa dhex maraysa markaasay isku qabsadeen, nin kamidaa yidhi hadii naagtaas qabo nin HY ah waynu ka hadhaynaa hadii kale labadeena mid ha doorato, naagtii waxay ka heshay ninkii Muuse Carre sidii buuna ku kaxaystay. Salaan Carabay oo ay ilmaadeero ahaayeen ninkii Hber Jeclo ee naagta laga qaaday ayaa arintaa ka cadhooday is yidhina Isaaq oo dhan baa uuga hiiliyey gabaygiina waakan

Mine

Salaan Maxamed Xirsi, "Carrabey" (HJ)

Gabaygan wuxu salaan tirshey mar nin ay ilmaadeer ahaayeen laga dhacay gabadh. Salaan oo u guntadey ninkaas wuxu dareemay in la hagraday oo Isaaq oo dhammi Burco kaga hiiliyey. Gabadhas waxa la Odhan jirey Qarad Dirir oo uu inaadeerkii qabay balse uu ka qaaday Cawad Khuurshe oo Muuse Carre ah. Salaan Carrabey wuxu damcay inuu Isaaq isku diro oo godobtii qolaba qolada kale ka haysay uu iftiimiyo isagoo weliba u iilanaya dhanka Garxajiska.

1. Dheeldheeltanbaa lagu galay ee dhederbi reer Cawle
2. Waxba kagama dhiidhiyin reer Xirsigan dhelalow kacaye
3. Dhoollaha Bedeey kaga rideen dhagixi Beereede
4. Waa tii waraabuhu dharqaday dhinacyadiisiiye

5. Cabdi Qodaxna waa lagu dhugtamay suu dhalool yahaye
6. Dhaayaha wejiga saanaddii dhab uga qiiqaysey
7. Hadba waxan la dheelimanayaa dhicitinkiisiiye

8. Haddaa Maxamed Dhuubsare u koray dhagarti saarrayde
9. Colujoogna Dhay iyo Karuur kala dhex-joogaaye
10. Wallee gacanta looguma dhaqsado dheehay aadmiguye

11. Nabsi laga dhursugo kii horuu dhawrayaa Arab'e
12. Isagaan dhib qabin Aadan bay wax u dhawaaqeene
13. Dhadhabkaa hurdada kuu warrama dhaasasiyo beene

14. Dhalanteedka waakii la kacay dhuga-la'aaneede
15. Dhabtuu Nabadshe Waranka ugu ridey dhehay Aadmiguye?
16. Dhoodhootankii Celi Siciid dheelli amarkiiye
17. Nimanbaa dharruursaday wankii dhumucda weynaaye
18. Dhig ma jebinin Xaad muusihii dhirifka? waallaaye

19. Raggii Laanta-Dhaankaa la dhigay dhoofna laga sheegye
20. Xasan Xaajigii dhaadan jirey Dhace colaaddiiye
21. Xirsi-Barigan dhaantaynayaa waa dhutinayaaye

22. La dhuyaalyey reer Weyd Siciid dhaawacuu qabaye
23. Waa kaa dhabbiyo Ciil la tegey Dhimil? dushiisiiye
24. Hadduu dhulu-Qarridhay reer Siciid dhaafyey madhixiiye

25. Xasan Daahirkii lagu dhugtumay? dhabannahays reebye
26. Ka dhag siiye cumar Daahirkii Dhaasiyee dilaye
27. Ku dhudhumiye reer Xaamudkii dhiigga fuuqsadaye

28. Raggii dhuubsan jirey eegganay kala dhignaadeene
29. Ay weliba dhood iyo shiriyo dheeryihiin amare
30. Dhallaankooda hadhay jeer danbay dhaxal u reebeene

31. Iyagoon wax loo dhimin kuwii dhag iska siinaayey
32. Dhullaxuba waxbuu kaariyaa dhawr cashoo idile
33. Dharaar keliya buu Reer Xuseen dhigay Sulaaxiiye

34. Kaftankii dhexgalay Ciidagale kala dhaleeceeye
35. Indha-Guba kuwii loo dhuray ee dhamamax loo diidey

36. Dhulka Eebbe leeyahay kuwii lagaga dhaarjiidey
37. Dhalinyaro colmoogaa tashiga laga dhammaasaaye
38. Ugu dhiije Reer Ciisihii soo dhalaashadaye

39. Dhegsiin buu ka helay Reer Gobdoon lamase dhaadayne
40. Dhoobada Suldaankii la dhigay dhaymo lama siinne
41. Dhibtuu qabo hadday ugu dareen weliba dhiidhiiye

42. Wax libaaxu dhacadiidiyaa Gool u dhays bidaye
43. Goortuu dhergaa buu dugaag ugu dhawaaqaaye
44. Ragbaa libinta maantuu dharqado dhaata abidkiise
45. Isagoo dhantacay Faarax Nuur dhuda ma luuqeeyey

46. Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
47. Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dhereggu xaaraane
48. Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele

49. Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
50. Nin dharbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
51. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide

52. Ma dhurluminin Qaabiil markuu dhacayey Haabiile
53. Dhiibaaji Dumar buu ka kacay dhiriftankoodiiye
54. Dheddigoodku aadmiga horay uga dhawaajeene

55. Cilmi dhuub shantuu dhalayba waa dhacanta loo jiidye
56. Masii dhugan Bah Reer Cali Kobtay kaga dhaqaaqeene
57. Anuunbaa dhaxantu xalay iigu timi dhimirsigii ciile

58. Dhegxumada aniyo baa Masa ah Dheecdan Reer Gude'e
59. Wallee ama Dhilfida laygu xidhay Dhoobo qolof saaray
60. Wallee ama Dhulkaba waan ka tegi dhaaban magaciiye


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 83 guests