"Meeshu waa guryaha Xamar-bile oo ay Soomaali oo dhammi degentahay. Dagaal carruur ka dhashay ayaa laba qoys isku diray. Qoys waa reer Boosaaso, midna waa reer Berbera. Gurmad iyo hiillo qabiil baa dhacday. Islaan reer Boosaaso ah ayaa kolkii ay aragtay in dhinaceeda laga tiro badan yahay qaylisay, iyada oo leh: waryaa Hartiya! Waryaa Hartiya! Ciidammo booliis ah ayaa yimid oo intii diriraysey oo dhan waxaa la geeyey saldhigga Wardhiigley. Nin u Hadley reer Berbera ayaa wuxuu yiri: waxa aannu dacwad gaar ah u qabnaa oo aad dhibaato noo gaarsiiyey ninkaas reer Boosaasood ee xoogga weyn oo qadwaanka sita; mana uu deggana Xamar-bile ee waxaa keentay hiillo qabiil. Kolkii uu nikii xoogga weynaa magaciisa sheegay ayaa la iswada dhugtey, la wada qoslay oo ay labadii dhinacna heshiiyeen; taliyihii Saldhigguna uu yiri: hortii waxaan doonayey in aan idinku eedeeyo dhiirri-gelin qabyaaladeed, haddase, qabyaaladda lafteeda ayaa riwaayad silloon u ekaatay. Xoogweyne magaciisu waa Fiidoow, waana Harti Abgaal."
http://www.aayaha.com/viewpage.php?articleid=5e543




