Postby Cilmiile » Tue Oct 24, 2006 8:03 pm
Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa markii ugu horeysay sheegay in dalka Somaliland lagu dhaqi doono shareecada Islaamka iyadoo hadalka Riyaale uu ku soo beegmayo xilli culumada Somaliland ay ku baaqeen in madaxweynaha uu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan arrintaas.
Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale Kaahin ayaa hadalkan ka sheegay tukashadii salaada ciidda ee shalay kaddib halkaas oo ku tukadeen Kumanan dad ah.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli ay hore u jirtay baaqyo kale duwan oo ka soo baxay culumada Somaliland kuwaas oo ay ku dalbanayeen in dalka laga hirgaliyo ku dhaqanka diinta Islaamka sida ku xusan dastuurka kaas oo si cad u sheegaya in Qaranka Somaliland diintiisa tahay Islaam, iyadana laga qaadanayo dhamaan wixii sharuuc ah.
Dhinaca kale, culumo ku sugan magaalada Burco ayaa shir jaraa'id oo doraad ku qabteen waxa ay ugu baaqeen madaxweynaha Somaliland inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan hadalo ay sheegeen inay ka soo yeereen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland kaas oo meel ka dhac u geystay karaamada iyo sharafta shacabka.
Ma jirto ilaa iyo imminka jawaab ka soo baxday dhinaca Xukuumada ee ku aadan baaqan ugu dambeeyey ee culumada Burco balse dadka iyaga odorasa arrimaha siyaasada ayaa u arka in qudbadii madaxweynaha jeediyey maalintii ciidda ee shalay ay jawaab dadban u tahay baaqa culumada Burco.
President of the Breakaway Somaliland administration buckles under Islamist Pressure and declares that "Somaliland" will be henceforth ruled under the Taliban Extremist Banner.
The Isaaq wadaads in the Islamist stronghold of Burao have forced Riyaale to alter the style of "Somaliland" government.
whither Somaliland? wither?