Dowladsade, Islamic Courts just seized Saakoow without dagaal after Bare left. i hope Hiiraale will surrounder himself to Sade wadaado who are planning to form an Islamic Court in Balad-xaawo....
October 25th, 2006
MAXKAMADAHA ISLAAMIGA OO GACANTA KU DHIGAY SAAKOW
Maxkamadaha Islaamiga ayay wararku sheegayaan in maanta gelinkii dambe ay gacanta ku dhigeen degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, halkaasoo ahayd fariisinkii ugu muhiimsanaa ee uu ku sugnaa Guddoomiyihii Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, ahna Wasiirka Gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maxkamadaha ay ka qabsadeen mar kale baabuurta dagaalka iyo maleeshiyooyin daacad u ahaa, iyadoo Col. Barre Hiiraalena ay wararka qaar ay sheegayaan in uu u ambabaxay degmada Baardheere oo Saakow u jirta 80-km.
Warar ku dhow dhow Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegaya in ay qabsadeen deegaanka Saakow kaddib markii ay galeen ciidamadooda lugta, iyagoo xeeladaasna adeegsaday roobab lixaad leh oo ka daÂ’ay deegaannadaas dartood.
Warka ayaa sidoo kale sheegaya in Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwo uu wato Sarkaal aan carabaabin oo taabacsan Col. Hiiraale ay isu jiraan masaafo dhan 10-km, isagoo la sheegay sarkaalkaas in ciidamadiisa ay ku sugan yihiin Baar la yiraahdo Muumin dhoore.
Laba maalin ka hor ayay ahayd markii dagaal qaraar oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ku dhex maray deegaanka BuÂ’aale Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa Barre Aadan Shire Hiiraale, iyadoo Shir jaraaÂ’id uu ku qabtay Kismaayo Afhayeenka guud ee Golaha Maxaakiimta gobollada Jubbooyinka Ibraahim Shukri Sh. Axmed uu shaaca ka qaaday in ay kaga qabsadeen dagaalkaasi Kolonelka in ka badan 25-baabuurta dagaalka.
• MAXKAMAD ISLAAMI AH OO LAGA HIRGELINAYO B/XAAWO
Deegaanka B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan in halkaasi laga dhisayo Maxkamad Islaami ah oo hoos imaanaysa Golaha Maxaakiimta Islaamiga ee magaalada Muqdisho.
Warka ayaa intaa ku daraya in dadka deegaankaasi iyo qaashooda ay iminka ku howlan yihiin asaaska Maxkamad ay ka hergeliyaan B/xaawo, iyadoo mar aanu xiriir dhinaca isgaarsiinta ah la samaynay masÂ’uuliyiin ku sugan deegaankaasi ay sheegeen in ay dhowaan si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan Maxkamad.
Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada B/xaawo ayaa sagaashan- meeyadii ee qarnigii tagay aad looga taabacsanaa wadaadada iyadoo fariisan u ahayd ciidamo wadaado ah oo dagaal qaraar la galay dowladda Itoobiya.
http://www.goobjoog.net/news/128/ARTICL ... 10-25.htmlPS: if this news is authentic, it will be the end of the so called interim Tikrian Government.