Postby AbdiWahab252 » Mon Oct 30, 2006 10:21 am
galia: nacas yahay: Did u hear about the cold blooded assasination of the Sacad peacemakers by the Salemaan ICU
AFAR NABADOON OO LAGU LAAYAY TUULADA DHEGTUUR OO KA TIRSAN DEGMADA CADAADO EE GOBOLKA GALGUDUUD.
MudugNet, Muqdisho, Isniin, October 30, 2006.
Afar nin ayaa lagu dilay nin kalena waa lagu dhaawacay weerar dooxataysi ah oo ay koox dabley ahi ku qaadday Niman Ergo ahaa oo ka soo laabtay shir nabadeed oo waxgarad ka kala tirsan Beelaha SACAD & SALEEBAAN ay ku yeesheen Tuulada Dhegtuur oo ka tirsan Degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ee Bartamaha Soomaaliya.
4-ta nin ee Geeriyootay & ninka dhaawaca ah, oo dhammaantoodba ka dhashay beesha SACAD oo waliba ay jufo-hoosaad ka sii wada yihiin,sida la sheegay, ayaa waxaa laayay Dabley Dakano-raadis lagu tilmaamay oo u dhashay beesha Reer Xaaji SALEEBAAN.
Falkan oo dadka qaarkiis ay ku tilmaameen Xasuuq Bahalnimo ah, ayaa waxa uu Darraad-Galab ka dhacay meel la yiraahdo TUSBAXLE oo wax yar dhanka Gaalkacyo Ka soo xigta Tuulada Dhegtuur. Waxayna Arrintaasi magaalada Gaalkacyo & meelo kale oo ka tirsan gobllada Mudug & Galguduud ka abuurtay xiisad Xoog leh.
Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka Soomaaliyeed ee GALMUDUG Mudane Maxamed Warsame Cali (Kiimiko), ayaa tacsi u diray eheladii ay ka geeriyoodeen 4-taas marxuum, iyagana waxa uu ALLE uga baryay inuu Jannadii Fardawsa ahayd uu ka waraabiyo. Wuxuuna ugu baaqay waxgaradka Beesha SACAD inay is-xakameyaan .
Isagoo madaxweynuhu Beesha Reer Xaaji Saleebaanna ugu Baaqay in Gacan-ku-dhiiglayaashii dilkaas gaystay ay sharciga horgeeyaan.
Waxaa shalay ka baxay magaalada Gaalkacyo waxgarad iskugu jira Culumaa'uddiin, odoyaal & ganacsato ka tirsan Beesha SACAD, kuwaasoo la sheegay isla Shalay inay Maydkii 4-ta marxuum ay wax uga aasaeen Tuulada Dawgaab, oo 75 km dhanka koonfureed ka xigta magaalada Gaalkacyo.
Khadka telefoonka ee Degmada Cadaado Mar aan Maanta kula xiriiray saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamigaa, ayaa waxa ay ii sheegeen In ciidamo & masuuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamigaa ay ku bexeen meeshii ay wax ka dhaceen, waxayna Intaas ku dareen inay raadcaynayaan illaa ay Gacanta ku soo dhigaanna aysan ka harayn Gacan-ku-dhiig-layaashii Dilka Gardarradaa u gaystay 4-ta marxuum.
Dhaqdhaqaaqa U-HIILLINTA NABADDA & XUQUUQDA AADAMAHA oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno UNAXA Xaruntiisuna tahay Magaalada Gaalkacyo ayaa cambaareeyay Weerarkaas lagu laayay 4-taas marxuum, oo magacyadoodu & da'dooduba ay kala ahaayeen:-
1. Bashiir Faarax-dheere Cumar-lugey, oo Da,diisu 60 sano jir ahaa.
2. Axmed Xirsi-Carab Cilmi Liibaan, oo 50 sano jir ahaa.
3. Xaashi Xuseen Cilmi Liibaan (Xaashi Bidaar), oo 45 Sano jir ah.
4. Xaraare Xanaf Diirshe , oo Isna 45 Sano jir ahaa.
Tuulada Dhagtuur oo 85 km dhanka koonfureed ka xigta magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa ay ahayd meeshii Sannadkii 2004-ta ay ka soo billaabatay fitnadii hurisay dagaalkii Muddadii 2-da Sano ahayd ka dhex holcayay labada Beelood ee Walaalaha ah ee SACAD&SALEEBAAN. Dagaalkaasoo, sida la qiyaasayo, ay ku geeriyoodeen Dad kor u dhaafaya 500 ruux, ayna ku dhaawacmeen kun & dhawr boqol oo qof, kumanaan kalena ay ku barakaceen , ayaa waxa uu joogsaday horraantii Sannadkan 2006-da, ka dib markii labada Beelood ee SACAD & SALEEBAAN heshiis nabadeed wada gaareen ay ka dambeeyeen xildhibaanada Labada beelood ee uu ka mid ahaayeen Xildhibaan Cismaan xasan Caato & Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf .
Cali deeq Maxamed Xaashi
MudugNet - Gaalkacyo, GalMudug State, Somalia