War raggii qaar baa ka nool!!! Rag aan garanayaa meesha jooga that I use to chat with back in 2001/2002 - some five years or more ago - X.Playa is one of'em..
Sxb Ex Player waan ku salaamay
- Long long time ago ... were you still here alive chatting with other forumers..
Wallee waqti aad u fara badan baad haysaan meeshatan!
Musuqmaasuq Somaali waa meheraddeediiye.. qabyaalad iyo qabiil ka tagi mayno maxaa yeelay waa Soomaalida hiddaheeda iyo dhaqankeeda bay qabyaaladdu ka mid noqotay si khaldan waliba...taasina waa nasiib darro..
Waxaa calool xumo kuugu filan forum-kan dhexdiisa annagoon is garanaynin baa mid waliba midka kale neceb yahay rag iyo dumarba sababtuna waxay tahay QABYAALAD DARTEED.. qofkaan la hadlayo wuxuu ka soo jeedaa qabiil aan ahayn midkaan ka dhashay ....that's why I hate him/her... sow ma aragtid inaynu daroogaysannahay...
Mid midkeen kale arkay ma jiro amase yaqaanna.. kulligeenna waynu is wada neceb nahay!!! what a shame!! that's the Qabyaalad Desease Nature..
Abwaan sharaf badan oo gabyay oo aan gabaygiisa la jeclaysan doonnin baa yiri:
Ummadaan af kala gooya iyo diintu kala geynin
Oo gebi ahaantood ka siman guudka iyo muuqa
Geyaan iyo xigaal wada dhashoo gacala weeyaane
Geestii u doonaba ha jiro gacan ku dhiigluhuye
Nin walaalki googooyayoo guduriga u loogay
Guul iyo inuu libin ku helo waa ka garanuuge
Geestaad bannaysaba axmaar baa ka soo geliye
Oromaa ku soo guuriyoo gaarna kaa qabane
Gaade iyo tuugaad ku maran gebi ahaantaaye
Bir mageydadaadaa dugaag gurubsan doonaaye
Geeliyo markay kaa dhacaan gaabanow ariga
Geesaha markay kaa maraan gaag yar baad noqone
Garbaduub intay kuu xidhaan bay ku gawriciye
Geeskiyo dhulkaan degi jiree guule nagu beeray
Ee gaar naloo siiyey baa gaalku soo degiye
Galti iyo qoxootaynu noqon gebi ahaanteene
Gabdhaheenu guur iyo gayaan way ka gaasiriye
Gabadanada dhaxantay cidlada gooxa yuururiye
Gurigaad ku dhalataa la odhan yaanu soo geline
Galaayuuska caydhaada baa gubadka cawlaane
Dabeed goosan baad noqon sidii guunyo baadiyahe!
Kollay anigu qori dabajeexana waan sitaa oo aan ugu talo galay inaan rag cashar ugu dhigo ilaa iyo aakharo ay ku xusuustaan, cimaamaddaydiina xirtay, ragna helay, rabbina cuskaday, ruuxa gaalo leedahay inaan gooyana ballan Ilaah ku galay...
War caano ha waayina e.. danihiinna garta .. oo garbahays qabsada.. oo hatred-ka iska daaya..duf ku baxa aan ahayne!
Wise-Man the wise, I salute you man!
X.Playa sxb salaan diirran
Basra.. the sweetest - non qabilist champion (I guess may be I'm wrong
)
You all have a nice time without QABIIL hatred... Allah bless all muslims.. Amiin..