The ICU are at it again:
Xubno ka tirsan Beesha Sadde oo canbaareeyay fal ay Ciidamada Maxaakiimta ku dhamaystireen qaar ka mid ah Maleeshiyaadkii Barre Hiiraale
Kadib kulan adag oo saacado qaatay oo ay manta M/kismaayo ku yeesheen waxgaradka Beesha Sadde (Mariixaan) ayaa waxa ay si kulul u weerareen sida ay Maxaakimtu Ciidmadoda ula dhaqmeen dhawacii Maleeshiyaadkii Bare Hiirale ee lagu dhamaystiray gudaha Cisbitlaalka Guud ee Degmada BuÂ’aale.
Gabagabadii kulankooda ayay Saxaafada u sheegen in ay aad uga xunyihiin falka baniÂ’aadanimada ka baxsan ee lagula kacay maleshiyaadkaas.
Dhinaca kale Sh.Ibraahim Shukri (abuzaynab) oo saxafada la hadlay ayaa qiray in falkaas ay ku kaceen laba ka tirsan Ciidamooda waxa uuna sheegay in la hor keeni doono cadaalada sida ugu dhaqsiyaha badan ,isagoo ku nuux nuusaday in aan amuurtaan loo nisbeyn Karin dhamaan Ciiadamada Maxaakimta laakiin ay geysteen laba askari o oo ka tirsanCiidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.
Arinta aya ahayd midii ugu hadal haynta badneyd sadexdii cisho ee la soo dhaafay guadaha Magaalada Kismaayo.
Waxgaradkan ka soo jeeda beesha Sade ayaa sheegay in ay arinta si adag loo baahan yahay in Maxaakimta u gorfeeyaan lagana qaato goÂ’aan kan ugu adag.
Tirade Maleeshiyada dhawacooda la dhamaystiray ayaa la sheegay in yihiin ilaa sadex oo uu ku jiro nin xogheyn u ahaa Barre Hiraale
22kii bishan ayaa dagaal qaraar waxaa uu deeganka Dijuma uu ku dhex maray ciidamo daacad u ah Wasiirka Gaashaandhiga Barre Hiirale & xoogaga Maxaakimta ,dagaalkaas oo looga adkaaday Maleeshiyaadka Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG ah.





