Oh No, he got married already!
Posted: Tue Oct 31, 2006 5:27 pm
GUDDOOMIYAHA GOLAHA MAXKAMADAHA ISLAAMIGA OO GUURSADAY (Hambalyo)
Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga ayaa wararku sheegayaan in uu bartamihii toddobaadkan aqal galay iyadoo uu arooskiisana ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Sheekha aad caan u noqday bartamihii sanadkan oo ciidamo taabacsan ay guulo waa weyn ka soo hoyeen Koonfurta Soomaaliya, ayaa hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ku jira in gabdhaha la siiyo culimada caanka ah sida Sheekh Shariif.
Dadweynaha Muqdisho ayaa iskula dhex qaaday arooska Sheekha xilligan oo dalku xaalad adag ku jiro iyadoo dadka aad ula dhacsan Sheekha ay sheegayaan in uu ku tusayo arooskan kalsooni dheeraad ah oo ay qabaan madaxda Maxaakiimta Islaamiga iyagoo u rajeeyay arooskan mid horudhac u ah guulo waa weyn oo dhinaca siyaasadda iyo nabadda, ayna u rajeeyeen in ay kala helaan wiilal iyo gabdho mar waliba ka qeyb qaata jihaadka.
NB.
Bahda daadisa goobjoog.net waxa ay hambalyo gaar ah u dirayaan Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Xaaskiisa, waxaana leenahay gabar iyo caano, wiil iyo caano (Baaraka laahu la kum Wabaaraka Caleykum Wajamaca Bey na kumaa Bikheyr)
Abdikarim I. Adan (Ampacalin)
E-mail: webmaster@goobjoog.net