Waxaa Xafiiska Warsidaha Idamaale ee Magaalada Kismanyo Naga soo Gaaray Warar aanan wali la hubin oo sheegaya in Sheekh Xasan Turki iyo Sheekh Ibraahim Afghan ay u Geeriyoodeen Dhaawac ka soo Gaaray Dagaalkii Maxkamaduhu ay la Galeen Wasiirka Gaashaandhiga Col. Barre Hiiraale.
Dhinaca kale sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa la sheegay Maxaabiistii lagu laayay Isbitaalka BuÂ’aale inay u dhinteen xanaaq iyo ciil ay Maleeshiyaadka Maxaakimiinta ee Al-shabaab oo iyagu ka yimid Magaalada Muqdisho ka xanaaqeen geerida Sheekh Xasan Turki iyo Ibraahim Afghan.
Waxaa kale oo la inoo xaqiijiyay inay jiraan rag gaaraya 25 oo uu ka mid yahay Col. Axmed Cismaan Walad oo wada dhaawac culus ah la geeyay Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ragaasu ay ku goÂ’doomeen goob aan gaadiidku gali karin oo roob badani ka daÂ’ay, waxaana la sheegay in lagu soo qaaday cagaf, oo kadib lagu keenay Goobaha ay diyaaraduhu ku dagi karaan oo maleeshiyaadka Maxaakimiintu ay ku suganyihiin.
Waxaa iyana jira in rag Maxkamadaha la socda oo ka soo jeeda Degmada BuÂ’aale ay qirtaan dilka Maxaabiista lagu laayay Isbitaalka BuÂ’aale, iyaga oo waliba sheegay in ragaasu ay laayeen Maleeshiyaad Muqdisho ka yimid oo caraysan.
Dagaalkaan oo ahaa isagu mid aad u kharaar ayaa la sheegay in labada dhinacba uu khasaare lixaadleh soo gaaray, waxaana Maanta saxaafada la hadlay Col. Fartaag oo ay Maxkamaduhu horey u sheegeen inay marna dileen, marna isaga oo dhawac ah, uu dhaawicii u dhintay taasoo labaduba beenoowday.
Waxaa iyana la sheegay in Nin Suudaani ahaa oo ka mid ahaa Ragii Dagaalka ku jiray oo lagu Magacaabo Cabdala Suudaani uu isagu ku geeriyooday Dagaalkii.




