http://www.somaliweyn.com/pages/news/Nov_06/3Nov43.html
Haweenka Baarlamaanka Dowlada Fkmg oo ku dhawaaqay inay samaysteen Urur lamagac baxay Kulanka Haweenka Soomaaliya
Qaar ka tirsan Gabdhaha Baarlamaanka Federaalka kmg ee Soomaaliya oo kaashanaya haweenka ku jira Gudiga Dastuurka iyo gudiga dib u heshiisiinta ayaa kulan ay yeesheen waxa ay soo saareen inay samaystaan urur la yiraahdo Kulanka Haweenka Soomaaliyeed waxaana gudoomiye loogu doortay Xildhibaanad Qamar Aadan Cali.
Kulankani oo ka dhacay Xarunta kmg ee Dowlada Federaalka ee magaaladda Baydhabo ayaa sii balaartay oo lagu biiriyey haweenka afarta xaafadood ee magaalada Baydhabo oo gaaraya ilaa 150 haween ah ka dibna ay doorteen Gudoomiyaha Kulanka Haweenka Soomaaliyeed.



