Damn joy listening to this song man; song isn't whole so if you can find it ayadoo dhamestiran feel free to post the link and rejoice the exquisiteness of Somali Music; I just feel peace listening to it
http://www.sclub19.com/music/song.php?id=267
Is-Guhaadshayeey
Inta aan guntaday
Gucla roorayeey
Godobteen qabaa
Garan waayeeyeey...
Anniguna garaadkay
Kaa gaabsan waayee
Adna garashadaadii,
Ii garaabi weeydee
Dhibtan aan galaayana
I gargaari meyside
Gudcurkaan habeenkii
Dhaxanta iyo Gawraha
Awadaa go'doomee!
Naftan Gu' iyo jiilaal
Biyo gaadhi weydeee
Waa guul arroortaa
Sida geel hurweyne.
Gelinna isma taago
Weli maan gayoobine,
Waa loo garaabaa
Ruuxa gaabinaayee
AAHA! Gacalnimada eego.
Inkastoo nin geesiya
Rag u geed adaygyahay
Haddaan garabka lala qaban
Guri ooddi maayee
Gamca maran Illaah baan
Guudkood xil saarine
Sida geyi abaareed
Cawl gooni daaqaan
Aaha! Awadaa go'doomee
Gufacaale roob oo
Guux iyo dabayl-bale
Halka uu I geeyaba
Gacankii I qaadeey
Garan maayo meeshay
Godobtu iga raacdee
Waxaan geystay mooyee
Ifkuu dhibbi I gaadhee
Aaha!haddalna wayga go'anyee