Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

CADE MUUSE IS THE FUNNIETS DUDE IN THE WORLD.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

CADE MUUSE IS THE FUNNIETS DUDE IN THE WORLD.

Postby DawladSade » Tue Nov 07, 2006 9:32 pm

Laughing Laughing Laughing Laughing



http://www.somalitalk.com/terry/galkacyo.ram


Gen. Cadde Muuse waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

Asalaamu Caleykum. Martida sharafta leh, kulligiin waa idin salaamayaa.

Aniga meeshan caawa wax aan ka iraahdaa ma jiraan, raggii hore ayaa warbixin idin siiyey.

Waad ogeydeen waagii hore bil iyo xogaa bar baan halkan fadhiyey, difaac baanu samaynay, waxyaalo ayaanu ururinay. Anigu hadda waxaan u imid in aan jeegareeyo ama kontoroolo wixii sida loo fuliyey ayaan u imid. Anigu maxkamadaha iyo ninka ku dhawaaqay wax anigu aan ka oranayo ma jiro. Nin baa hadlay, reer buu sheegtay, reerihii la sheegay intii madaxdooda ahayd ama wax garadkooda ahayd oo bannaanka jirtay ama gudaha waa ila soo hadleen, in aysan arrintaas u dhamayna waa ii sheegeen, midda labaadna hal reer ama qof wax wadanka yeelayaa Puntland ma jiro.

Waxa keliya laga raabaa Puntland maanta waxay tahay ma ahan dagaalka nagu socdaa ma ahan dagaal diin iyo waxaas, waa dagaal qabiil. Dadkii dhibaatadeedu waxay noqotay haddeer intaan halkan fadhiyey laba , saddex jeer baa la ii sheegay oo waxaa la yiri Gelinsoor baa laga soo baxay, Bandiiradley baa laga soo socdaa, Galkacyo ayaa loo soo socdaa. War Ilaahay qalbiga idinka qaadye ma afartaas ayaa la iska celin waayey. ...(sacab)... Dadka hadlaaya oo leh xaggaa nalakaga soo socdaa, intaad idinku is xag-xaganeysiin meeshu waa arrin qabiil, ma ahan diin, ma jirto, waa been weeye, yaa ashahaadaha la barayaa, yaa diinta loo sheegayaa, bal dadka inta leh waa ciidan baa soo socda, war hub waad haysataan, maalintii laba qof xabbad isku dhifato waxaad soo gurataan waa taqaaniin, haddana hoostaad ku qarsaneysiin, waa hadal weeye, haddaad dadka iska celineysiina iska celiya, haddii kalena gabdhaha sidey islaanta hadda u hadashay khayr Allah ha siiyee Faadumo sidey u hadashay yeela.

Hadal weeye waxaan aad leedihiin halanakala hadlo ...ee ... waa baxsadeen, caawa waa qaban lahayn, Bandiiradley bey sii socdaan raggii sameeyey, Nairobi ayaa shilimaad laga soo siiyey oo waxaa la yiri hadla oo maxkamadaha sheega. Bal Illaah baan kugu dhaariyey maxkamada u sheegtay... ee... Hobyo baa sheegtay, raadiyahay ka sheegeen, waa qabiil baa loo sheegay kuwaa ayaana buuxiyeen. Mida labaad ragga leh waxaan sugeynaa maxkamadaa qabasanayo. Adeer waxay ahayd ninkii durbaan xaday xaggee ku tumaayaa, waa adiga leh raggeena qaarkood shan (5), lix (6) qabiil kasta waa ku jiri karaan, laakiin waxaan kuu sheegayaa ma xukumeysaan, waa beentaa, waxaad ka xakumeysid ma jirto, adaa aniga iyo adiga wadaadu haday yimaadaan anaa kaaga xoog badan. Waxaad leedahay waad aragteen wadaadadeena waxa ku dhacay, oo sow isma waraysataan... (Qosol)... sow isma waraysataan ... (sacab)... Raggiinii yaa..... Raggiinii Xamar tegey ama meel la arko tegey ama Nairobi wixii kusoo dhacay sow ma ogidin.. Waa SHOW waxaanu..

Waxa dhabta ah ee aynu ka hadleynaa waxaa weeye waddankaan waxaanu annagu aragnay dhibaato hal keliya ayuu leeyahay, baahi ayaa haysa, baahidii sidee loo baxshaa. Xalkeedii waa haynaa baan ku leeyahay, 40 (afartan) shariikadood baan la soo heshiiney, hadda saddexdaan beri aan joogey wax weyn baa igaga dhumay, oo dad baan la shiri lahaa, waxyaalo badan ayaa dhumaaya.

Airoportooyin, furdooyin, boqolaal waxbaa Ilaahay nasiiyey, dhaqaalaa Ilaahay nasiiyey, macaadin bansiin, intaas ayaa la idiin diidan yahay. Waa hadal dadkaaga... ... Sideynu isu daafici lahayn keliya aynu ka hadalo, maxkamad jirtaana ma jirto, qabiil qabiil ku duulaayana ma jiro... Qabiil qabiil ku duulaaya weeye.... innagiina Ilaahay inagaa is keen daba dhigay.

Federaalka maxaa lagu diidan yahay, Cabdi.... nin Daarood ah ayaa madax ka ah ayaa lagu diidan yahay, runtu waa saas. Mida labaad dadka culumadaa oo yiri diinbaanu... Xasan yuu la shiraayaa, wiikii horena yuu la shiray, Xasan Daahir (Aweys) yuu la shiray, ma aydinaan ogtihiin. Mid mid qabi ah baa masaajidka ka hadla oo laba hadal sheega, waa jihaad, wuxuu... markaan la discuss-gareeyey ragga qaarkood iyagaaba u caqli yar, maba oga rag la yiri waa belo oo iyagaa maxkamada halkan ka wada markaan la discuss-gareeyey oo iri adeer saasaa jirtaa kaasaa, oo saasaa jirta, maxaa... 'oo adeer kaasi ma dhabaa' buu yiri, markaas baan iri 'raali ahaada hadaba', waana saas runtiina weeye. War sideynu isu daafici lahayn.... yaan hadal hadba la igu soo oranin - Bandiiradley yaa laga soo socdaa, oo yaa laga adkaan jirey... ii sheega... yaa laga adkaan jirey. War nin la arkow aaway Qurux iyo raggii hadlaayey... ee... odayaasha.. ama meel kasta ha joogaane dadka dhulkaan u dhashay waa in ay hubkooda qaataan ... hub iyo rasaas iyo waxkasta oola arko waad haysatiine wixiina daafacda.. waa u jeedaan Kismaayo waxa ka dhacaaya, meelihii laqabsaday sida loo gubaayo... WAX KA QABSADA... Annagu dowlada intii awoodayada ah waa samayneynaa .. midna waa idiin sheegaayaa wadankaani inuu dagaal soddon (30), labaatan (20) sano socdo maahane ma dheceyso calan intay taagtaan waa xakumeynaa .. nin inaga ahna intuu wax xakumo yiraahda maxkamad Hawiyahaa i wadaysaa ma dhaacayso... waa idiin sheegayaa taas... been weeye waxaan la idiin sheegayaa...

Waxaan idiin sheegayaa dhibaatada keliya oo nalaka rabaa waxaa weeye in la yiraahdo dhulkii dhibaato baa jirta. Labo wiil haddey Galkacyo isku dharbaaxaan Internetkaa la gelinayaa, meel kastaa la gelinayaa, waxaa la leeyahay dhulkii nabad ma jirto. Marka shariikadihii iyo dadkii iman lahaa dib bey u dhacayaan, nina lacagtiisa iska gelin maayo meel aan nabadi jirin. Dhibaatada keliya ee ay noo keeni karaan waa intaas.

Hadda waad ogtihiin madaxweynihii iyo madxweynayaal badan waxay ku maqan yihiin China. China waa suuq weyn, waxyaalo badan baanu ka rajaneynaa, haddana annagu waa soo wada aragnay waxyaalo badan - waxa nalakula dirirayaa waxa weeye horumarkaa nalakula dirirayaa, wax kale ma ahan, waxaan leeyahay illaawa, aynu isu diyaarino sideynu isu daafici lahayn. Ciidan baad tihiin, kulli waa dad ...ee... Mudug ama meel kasta siduu u sheegayey ...ee... dibutaatigii, meel kastoo Puntland ah waa laga wada dagaalamayaa. Waa jirtaa laba magaalo Boosaaso iyo Galkacyo baa Puntland hadda laga sheegaa. Boosaaso waa magaalo madaxdii, qaar dad baanu ku haysanaa bey yiraahdaan, halkana dad, anigu dad badan oo ay ku haystaan ma jiro, nin nin xun baa jira oo xoogaa ka qaata.

Marka anigu hadalkayga waxaan leeyahay waxyaalihii kale oo badnaa, khudbadii saan rabey oo ahayd wixii aan soo qabanay in aan sheego ma sheegayo maxaa jira tanaa iiga daran. Midda keliya aan idinka codsanayo waxaa weeye war beentana hala daayo oo maalin kasta la leeyaha toban shirbaa la qabtay.. maanta waxaa la ii sheegay halkaa shir baa ka dhacay, oo halkaa shir baa ka dhacay, oo shirku muxuu yahay, markaad raadisidna horta runtii waa been - meel la xeero kasta waxaa la yiri 25 baa ku shireya, anigu waa ogahay in aysan waxaasi jirin, dad badan baan waxaan dhacsiin la ahay 'war reer is raacsani ma jiro'. Waxaa la leeyahay hadda reer Maxamed Cumar baa la yiri - Maxamed Cumar isma raacsana, waxaasuna wax maka jiraan, labo (2), saddex (3), waxyaalo... waxaana waa ogahay. Hadda mid baa hartay reer Khalaf ah ayaa la yiri, haye waa hal qof... (qosol)... haye.. maxay hadal... (sacab)... Markaas ayaa la leeyahay reer Khalaf oo dhan waa xanaaqeen, war waxaasi waa hadal weeye, waxaasu ma jiraane hadda tan la sheegaayo in aynu isu diyaarino keliya ayaa nalaka rabaa, sideynu wadankeena u daafi lahayn, nabadeenana u heli lahayn ayaa nalaka rabaa. Waad aragteen Woqooyi waxa ka socda ... ee... meelo badan baa sidaasi dhibaato u haysataa, laakiin waxay u yeesheen awood bay u yeesheen, waxgaradkoodii isimadoodii cuqaashii iyo dadkii waana bannaankay iska dhigeen.

Marka anigu hadalkayga waxaan kusoo koobayaa, waxaa la sheegaayo ma jiraan, sharcigana waa qabaneynaa, sharciga waa ku dadaaleynaa, rag baa waxay yiraahdeen --ee-- ee-- wiilal baa meel ku urursaday - haddaan la qaban dembiilaha, haddaan wax loo dhiman waxba ma soconayaan. Ninkii dembiile ah waa in la qabtaa. Beelahana waxaan u sheegayaa iyaga ninka dembiilaha ah iyagu waa in ay qabtaan, daafacaan, adduunkana waad ogtihiin dadka xun dadkooda qabta, dowlada keligeed awood ma leh - ma arki karto - idinkaa ogaan kara. Waa ogahay shir badan hadda dad wanaag ka shaqaynaya aad ayey u badan yihiin. Marka waxaan idiin sheegayaa Puntland waa is daafacaysaa.

Annagu waxaan u baahanay hal, laba sano, baanu Insha Allahu, baanu u baahanay, haddana waa ogtihiin waxay ahayd bisha dambe in ay mashaariicdeena noo socoto. Waagii hore heshiis baanu gaarney, bishii la soo dhaafay in bansiinka u horreeya in la soo qaado. Dagaaladii yaryarka ahaa oo dhacay ama Garoowe ka dhacay ama Boosaaso ka dhacay ayaa dib loogu dhigay. Maalin la arko markeynu wax soo diyaarino baa wax dhacaan.

Marka midda keliya waxaa weeye caawa wixii ka dambeeya haddeer markaynu kala tagno ha la is difaaco, ragga leh xaggaanu ka soo soconaana ciidan baan soo wadnaayoo halkaas yaan imanaynaa, waxaan qabaa haloo diyaar garoobo, waana iska daafacaynaa.

Intaas ayaan hadalkaygii kusoo koobayaa, waa mahadsan tihiin....

Sidaas ayuu madaxweynaha DGPL hadalkiisii kusoo xiray.

Shirka uu ka hadlay madaxweynaha DGPL oo ka dhacay Hotel Galkacyo waxaa ka qayb galay wasiiro ka tirsan DGPL, madaxda Gobolka Mudug iyo kuwa degmada Galkacyo.

User avatar
dhuusa_deer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8152
Joined: Wed Feb 09, 2005 4:13 pm
Location: Canada

Postby dhuusa_deer » Tue Nov 07, 2006 9:34 pm

aren't you the poster boy for motility... wipe your face for fuk sakes!

User avatar
Samatr
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14767
Joined: Fri Feb 11, 2005 4:56 am
Location: Somewhere only we know :P

Postby Samatr » Tue Nov 07, 2006 9:34 pm

Laughing

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Postby DawladSade » Tue Nov 07, 2006 9:39 pm

[quote="dhuusa_deer"]aren't you the poster boy for motility... wipe your face for fuk sakes![/quote]


speak english b.itch.

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Postby DawladSade » Tue Nov 07, 2006 9:41 pm

[quote="Samatr"]:lol:[/quote]


look at this quotes Laughing Laughing

"Federaalka maxaa lagu diidan yahay, Cabdi.... nin Daarood ah ayaa madax ka ah ayaa lagu diidan yahay, runtu waa saas."


"nin inaga ahna intuu wax xakumo yiraahda maxkamad Hawiyahaa i wadaysaa ma dhaacayso."



Laughing Laughing Laughing Laughing

Wise-Man
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1691
Joined: Fri Jun 04, 2004 7:00 pm
Location: Arlington

Postby Wise-Man » Tue Nov 07, 2006 9:44 pm

Cade Muse and Aden Saranasoor are too jokers. Laughing

User avatar
DawladSade
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13940
Joined: Fri Apr 22, 2005 9:38 pm
Location: Xornimo

Postby DawladSade » Tue Nov 07, 2006 9:46 pm

[quote="Wise-Man"]Cade Muse and Aden Saranasoor are too jokers. Laughing[/quote]


No, cadde muuse is funny he is not dumb, because he considers hawiye peices of shit he will tell the world runta. Smile


Hawiye's skin BURN, wallahi i know for a fact, it BURNS as if acid touched this when they heard this not only from a darod, a majerten, a cisman maxmud, but reer boqor too Crying or Very sad


""nin inaga ahna intuu wax xakumo yiraahda maxkamad Hawiyahaa i wadaysaa ma dhaacayso."

User avatar
karkaar
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1263
Joined: Thu Feb 10, 2005 6:05 pm
Location: LBC

Postby karkaar » Tue Nov 07, 2006 10:27 pm

"Cade ma cade ee warkiisaa cad".............He's what most somali leaders lack, honest leader who ain't affraid to talk the talk but also walk the walk.....Even the wadaad wanna bees can't beat him when it comes to stating the truth.....

If you need any prove just check out his resume on how he reconciled with abdulahi yusuf and thus led puntland peacefully.....

Galkacyo is the most disarray and dis-organized part of the puntland state same as burco in somaliland and that's why he had to be tough on them....

User avatar
Qaarxiye
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3790
Joined: Fri Jun 16, 2006 6:50 pm
Location: Money Over Everything--&--B!tches Under All.

Postby Qaarxiye » Tue Nov 07, 2006 11:18 pm

He is too frank. Laughing

User avatar
Ashlee~
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5989
Joined: Thu Jul 06, 2006 5:39 pm
Location: Hogtown
Contact:

Postby Ashlee~ » Tue Nov 07, 2006 11:37 pm

he tells it like it is though.........................NO SUGAR COATING!!! Laughing

User avatar
COSTA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13754
Joined: Fri Jun 25, 2004 7:00 pm
Location: (Sapo)= Min arbetsgivare

Postby COSTA » Wed Nov 08, 2006 7:09 am

He is reer Marka who rules reer Mudug Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing Laughing


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 51 guests