KHAT IS ILLEGAL IN MANY COUNTRIES IN THE WORLD.
The consumption, trading, transporting and storing of khat is banned in the holly islamic emirate of somalia.
Allah bless the Islamic courts.
Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa maanta si si rasmi ah wareegto ay soo saareen ku mamnuucay Isticmaalka iyo ka ganacsiga qaadka, xilli 3 jeer ay ciidamada maxkamadaha gubeen qaad laga keenay dalka dibaddiisa, ka dib wareegto ay soo saareen oo lagu sheegay in ganax lacageed iyo xarigba ay la kulmi doonto qofkii lagu qabto.
Gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka, Sheekh Shariif
Shirkaasi Jaraa'id ayuu Gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha islaamka waxa uu ku aqriyay wareegto mamnuuceysa ka ganacsiga iyo isticmaalka qaadka, taasi oo uu sheegay in golaha shuurada ay u soo gudbiyeen golaha fulintana ay aqbaleen.
Sheekh Shariif waxa uu sheegay in baabuurkii wada qaadka lagu ganaaxayo 7 million oo sh.som ah, halka qofka isagoo cunaya lagu arko lagu ganaaxayo 500 kun oo sh.som ah, hadii uu bixin waayana uu ku jiro doono xabsi.
Waxa uu sheegay in qaadka uu dhibaato ku yahay hantida dhaqaalaha iyo caafimaadka, uuna ka mid yahay waxyaabaha maanka Dooriya.
Hadalkaan waxa uu ku soo beegmay xilli 3 jeer ay maxkamadaha islaamka ay qaad u gubeen magaalada Muqdisho.
Shabelle Media Network Somalia
E-mail us: info@shabelle.net
Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net





