Xildhibaanada Galmudug state oo maalintii labaad Kulan balaarani oga socdo Hotel Durmad ayaa manta si cad u shegay in ay iska difaacayaan Maxkamadaha islaamiga oo haatan ku soo wajahan magaalada galkacyo.
Sabti,Nov,18,2006
Kulan balaaran oo ay soo xaadireen xildhibaano faro badan oo isugu yimid hotel durmad oo ku yaala k/magaalada galkacyo, waxaa ay beeniyeen warar lagu soo dabacay website-yada qaarkood oo lagu sheegay in wasiirada galmudug satate ay is afgarteen maxkamadaha isla markaana ay dawladdii maxkamadaha ku wareejiyeen.
Xildhibaan Khaliif Sh. Xusseen oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in wasiiradasi aysan sharci u lahayn, sidaa awgeedna aan hadalkooda qiimo ku fadhin, wuxuuna intaa ku daray in cidii Maxkamadaha ku biirta aanay Galmudug ka tirsanayn,
Waxaa kale oo uu sheegay masuulkaan in maamulka puntland ay iska kaashanayaan difaaca goboladooda,
Hadalkaan xildhibaanada ayaa ku soo begmaya xili magaalada Galkacyo laga dareemayo xiisado colaaded oo kaabiga u saran dagaal, ayadoo ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan inta u dhaxaysa Seddex Higlo iyo Bandiiradley, oo kawada tirsan gobolka Mudug.





