[quote="eyes-only"]Cawar what made you think that he was wearing a cheap suit? The man knows how to dress. Maybe you could learn a few things from the man.
A for you.....how does anyone become a millionaire?-----Investments, property, inheritance![/quote]
^^^
weershe aw sheikh cawarow, this xaaraan lagu soo korriye eyes only is worse than baghdad bob, sadaam hussein's information minister. this is the story how ceeyr became rich and robbed the people of shabeele hoose.
Sidee Baay Jilibyada Ceyr Habargidir U Kala Qeybsadeen Gobolka Shabeellada Hoose?
Burburkii Dowlladdii militeriga ahayd ka dib Gobolka Shabeellada Hoose wuxuu ahaa goob ay si weyn isugu haysteen kooxo qabaa'illo ah iyo hoggaamiye kooxeedyo, mid kasta uu doonaayey inuu maroorsado, kheyraadka Gobolku hodanka ku yahay. Haysashada Gobolkan horraantii sagaashameeyadii waxaa ka masuul ahaa hooggaamiye kooxeedkii geeriyoodey, ee Gen. Maxamed Faarax Ceydiid. Geeridiisa ka dibna waxaa Gobolka qabsadey kooxo ka mid ah beeshiisa oo inta badan uu awoodda isagu gacanta u geliyey.
Wixii markaa ka dambeeyey waxaa Gobolka tagey kuwo sheeganaya Maxkamad Islaami ah oo uu horkacaayey Sheekh Xassan Daahir Aweys oo markaas taliyaha ciidankiisu ahaa Yuusuf Indhacadde. Dadweynnaha Gobolka oo ay aad u dhibeen mooriyaan abaabulan, ayaa si weyn u soo dhoweeyey Maxkamddii Islaamiga ee Gobolka, iyagoo markaa quud darreeynaayey inay Maxkamaddani ay Shareecada Islaamiga wax ku maamuli doonta.
Maxaa ka dambeeyey?Waxaa caddaadey in 'maamulkaas' uusan aheyn Maxkamad Islaami ah, balse uu yahay horseedka qabsashada Beesha Ceyr aay ku qabsadeen Gobolka. Arrintaasna waxaa sii xoojiyey, amaba dhiirrageliyey Cabdiqaasin Salaad Xassan oo sanadkii 2000 Madaxweyne loogu doortery shirkii nabad raadinta ee ka dhacay Tuulada Carta ee dalka Jabbuuti. Wixii markaa ka dambeeyey Indhacadde wuxuu ku sii xidideystey qabsashada Gobolka Sh.Hoose, isagoo ay taageerayaan Cabdiqaasin Salaad, Daahir Aweys iyo Maxkamadda iyo ganacsatada beeshiisa.
Akhristeyaal waxaan idiin iftiiminayaa haysashada Indhacadde ee Gobolka waa habka dalladda oo kale (ambreella), waayo Gobolka waxaa si toos ah u wada haysta beesha asagu ka dhashey ee Ceyr oo ka tirsan beelaha Habargidir. Gobolkan oo ka kooban sideed degmo, Indhacadde wuxuu ka haystaa afar (4) degmo oo kala ah: Marka, Qoryooleey, K/waareey iyo Awdheeglle; afartaas degmo maamul ahaan, dhaqaala iyo ciidankaba asaga ayaa toos u maamusha. Degmooyinka Baraawe iyo Sablaale waxaa si toos ah u haysta nin la yiraahdo C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo ka mid ah beesha ay faaladu ku socoto, waana ka madax banaan yihiin maamulka Yuusuf Indhacadde, waxayna ku mideysan yihiin in marka dagaal uu dhaco ay isu soo gurmadaan oo ay is caawiyaan.
Degmada Afggooye waxaa haysta nin la yiraahdo Xuseen Cirfo oo u madax banaan maamulka degmada uu hasyto, inkasta oo marar badan uu Indhacadde uu isku deyey inuu kala wareego, sida aan ka hellney ilo xogogaal ah. Beeca Cirfo iyo Indhacadde isku mari waayeen waxay ahayd laba boqol oo kun oo dollar (US$200,000) uu Indhacadde gaarey iyo Cirfo oo doonaayey illaa afar boqol oo kun oo dollar (US$400,000) in Degmada laga siiyo. Markii ay ismari waayeen ayaa nin kasta meesha uu haysto ku ekaadey. Waxaa iminka sii dhimey beecii uu Cirfo doonayo oo u soo dhacey US$50,000 bacdaama ay siyaasadda wadanka isbedeshey. Cirfo wuxuu iminka dareemayaa in Gobolka uu mar dhow ka wareego beeshiisa. Laba todobaad ka hor waxaa dhacey in Cirfo uu damcey in 'maamul' cussub ka dhiso Afgooye, asuguna Goddoomiye ka noqdo. Waxaa arintaas ay ku fashilantey markii dadka degmada iska leh ay ka diideen iyo markii maxkamadda Nuurul-Islaam ay isku soo diyaarisey in ay dhisto maamul oo dadka deegaanka ay hor u yihiin. Cirfo wuxuu ka codsadey Indha cadde in ay maamulka mideeyaan oo Indhacadde uu madax ka noqdo, laakiin Indha cadde arintaas uu ka diidey asagoo dareemaya in lugu xuubsiibto.
Degmada Wanllaweyn waxaa haysta nin la yiraahdo Shaarub oo isaga laftigiisu uu u madaxbanaan yahay xagga howllaha maamuleed iyo dhaqaalaha degmada uu haysto, waa Wanlaweynee. Waxaasee beryahaan socdey in maamul Islaami ah laga dhiso Degmada. Arintaas way socon weydey markii beessha Hawiya ay ku doodeen in 50% (Boqolkiiba Konton) xubnood laga siiyo maamulka degmada, beesha Shanta Caleemoodna ay diidey. Waxaa la ogyahay in goroonka weyn ee Balli-doogle uu ku jiro degmada Wanlla-Weyne, taasna ay ka dhigeyso in maamulka degmada uu dhaqaale fiican heli karo. Laakiin qiimaha istratiijanimo ee goroonkaas wuxuu hoos u dhacey markii goroonka weyn ee Muqdisho la furey iyo markii Balli-Doogle ay noqotey safka hore ee dagaal, waa haddii dowladda Baydhabo ku go'doonsan iyo nimanka Xamay ka taliya ee diinta ku qaraabta ay foodda is daraan.
Waxaa laga yaabaa inaad isweyddiisaan Gobolka ay kala haystaan afar qof yaa ka masuul ah oo looga dambeeyaa? Waa mid sahlan marka aan xaqiiqda daboolka ka qaado; Indhacadde wuxuu haystaa afar degmo oo caasimadda Gobolku aay ku jirto. Magaca Guddoomiyenimo ee uu sheegto waxaa lagu qalddayaa ra'yulcaamka, oo asagu waa “afhayeenka” Gobolka. Laakiin waxaa jirta dallad weyn oo mideysa afarta nin ee qofba degmo haysta. Haysashada Gobolka ee beesha Ceyr waxay ku qotontaa hab jufooyin ay beeshu u kala baxdo. Waxaa intaas sii dheer laba nin oo kale oo ku jira Isbaheysiga Dooxada Jubba, kuwaas oo dhammantood ay kulmiso hal maamul oo dalladeed waxaana dalladdaas howsha intaas la eg isku haysa ka madax ah saddex nin oo kala ah :
Cabdiqaasin, Xassan Daahir iyo Galaal. Marjaca ugu weyn ee dalladdu waa Cabdiqaasin, halka labada nin ee kalena qaabilsan yihiin dhinaca difaaca oo weliba u kala baxda laba qeybood oo kala ah:
• Wixii qeybta Islaamiga waxaa ku aaddan Xassan Daahir
• Wixii dhinaca caalamiga waxaa qaabilsan Gen.Galaal
Waxaa lo ogyahay in bishii hore Gen. Galaal uu u soo direy ciidan ninkii la yiraahdo C/Xalane markii wafdi reer Baraawe ah isku deyeen in ay u soo safraan shirkii Daar-us-Salaam oo Ururka "SSU" uu abaabuley. Iska hor-imaad oon hubeysneen oo halkaasi ka dhacey wuxuu sababey in dhowr gaari oo 'Tiknika' ah ka soo ambabaxeen magaalada Kismaanyu si ay gacan uga geystaan arintaas. Waxaa la sheegayaa in Galaal iyo Xalane ay qaraaba hoos yihiin (midbaa kan kale gabadhiisa qaba). Arintaas waxaa markii dambe keentey in Guddoomiyaha Ku-Xigeenka 'maamulkaas', oo reer Baraawe eh lagu xirey, markii uu 'maamulkaas' ka cambaareeyey wareysi uu siiyey Raadia ka howlgala magaalada Muqdisho.
Isku soo duub haddii aan u soo noqdo ka jawaabista su'aasha, waxaa weeye garo ama ha garan, Gobolka Shabeellada Hoose waxaa haysta Isbaheysiga Ceyr oo uu madax ka yahay Cabdiqaasin Salaad Xassan. Dhammaan dhaqalaha ku baxey dhisidda dalladdan waxaa bixiyey Cabdiqaasin. Waxaana uu ka soo leexsadey dhaqaalihii qaranka Soomaaliyeed ay Beesha Caalamku u bixisey in dib-u-dhis lagu sammeeyo. Waxaa Cabdiqaasin afkiisa laga hayaa in Muqdisho illaa Kismaanyo wixii siyaasad ah ay ka hadli kara Beesha Ceyr oo keliya. Howllahaas oo dhan odeyggu wuxuu u fuliyaa si qarsoodi ah, asagoo weli damac ka qaba inuu mar kale Madaxweynne ka noqdo dalka Soomaaliya, halka dad aad u badan ay leeyihiin waa calaacasha oo tima ka soo baxeen. Cabdiqaasin wuxuu isbaheysi la sameeystey ninka kale oo ka amarkutaagleeya maagalada Kismaanyu, waa Barre Hiiraale ee. Labaduba waxay ku bahoobeen wixii ay u magacaabeen 'Mataanaha Galgaduud' oo dadka Gobolada Koonfurta ku noolna ay u yiqaanaan 'Isbaheysiga Dulmiga iyo Dhaca'. Waxaa soo ifbaxaya qalaaf u dhaxeeyo nimanka ku jira isbaheysiga la magacbaxey 'Isbaheysiga Dooxadda Jubba-IDJ', oo dadka Gobolada Koonfurta Soomaaliyana u yiqaanaan 'Isbaheysiga Dooxatada Jubba'. Qilaafkaas oo ku saleysan habkii loo qeybsan lahaa maamulka Dowled-Goboleed la doonayo in laga dhiso Gobolada Koonfurta Soomaaliya, waxaa iminka dab u kalaqaadayaa Cabdiqaasin Salaad xasan oo u urdo waayey sidii u ridi lahaa Dowladdi cabdullahi Yuusuf. Waxaa mugdi uu kala dhaxgaley markii Barre Hiiraale loo magacaabey in uu noqdo waziirka Gaashaandhigga DKS.
Liiska Degmooyinka S/Hoose iyo sidii loo kala Qeybsadey:
Yuusuf Siyaad Indhacadde: Waa jilibka Habar Aji (Ceyr), wuxuu haystaa afar (4) degmo oo Marka ku jirto.
C/llaahi Xalane Dhuxuloow: Waa jilibka Cabsiiye(Ceyr), wuxuuna haystaa Baraawe iyo Sablaale.
Xuseen Cirfo: Waa jilibka Yabardhowrra kace, wuxuuna haystaa degmada Afggooye - waxaa ku wehliye jilib la yiraahdo Ayaanlle Ceyr.
Shaarub waa jilibka Cabsiiye Ceyr, wuxuuna haystaan degmada Wanllaweyn waxaana wehliya jilib la yiraahdo Ayaanlle Ceyr.
Qore: cali Caroode
Marka
September 09, 2006
http://www.ssunion.net/node/65