Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SULDAAN CISMAAN SULDAAN CALI MADAR OO JEELKA LOO TAXAABAY

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Postby fagash_killer » Fri Dec 08, 2006 2:53 pm

x.playa answer the q!

User avatar
XidigtaJSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2428
Joined: Wed Dec 24, 2003 7:00 pm
Location: Erigavo, Sanaag

Postby XidigtaJSL » Fri Dec 08, 2006 4:23 pm

Maxaa ka dhexeeya Baaqii Laan-Mulaaxo ee beelaha Habaryoonis 1957kii iyo baaqii Burco ee shareecada 2006.


Q 1aad.
Gogol-dhig Gaaban.
Taariikhdu iyadaa dib isu soo celisa! waa dhab taasi,bal eeg
Waxay ahayd 30kii November 2006 da markii uu soo baxay bayaan uu ku saxeexanyay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan madar oo kusoo baxay magaca beelaha Habaryoonis laguna sheegay inay beeshu isla qaadatay inay dhexdeeda ku kala garnaqsato shareecada islaamka.
20kii June 1957kii oo laga joogo (50) sano iyo (5)bilood taariikhda uusoo baxay baaqan dambe, ayaa waxaa kasoo baxay deegaanka laan-mulaaxo ee gobolka togdheer bayaan ay soo saareen beelaha kor kuxusani oo ay ku cadeeyeen in ay kasaarayaan xeerkooda wixii sharciga ka hor imanaya isalamarkaana ka xeer dhigteen shareecada islaamka.
sidoo kale waxay beelaha kalena ugu baaqeen inay sidan oo kale yeelaan.
haddaynu dib u raacno raadka taariikhda waxaa muddo yar ka hor lagu dhawaaqay 30kii march 1957 ururkii Xisbullah.
Ururkaas oo uu aasaaskiisa lahaa Sayid Axmed Sh.muuse(AL-Azhari ) iyo Rag kale oo ka mid ahaa waxgaradkii , culimadii-diinta ee degaanka Burco iyo madaxdii S.N.L.
Waxaynu taxanahan isku dayi doonaa inaynu kaga jawaabno suaalahan:
Maxaa loo aasaasay xibullah?maxay ku kala duwanyiin xisbullahiga lubnaan?yaa aasaasay? ujeedadee loo aasaasay? qaabkeebuu u hawlgalay? ma urur beeleed buu ahaa?muxuu guulo soo hooyay?halkee buu se ku dambeeyay?
Maxaa ka dhexeeya baaqan dambe? baaqan dambe Qaranka Somaliland ma anfici doonaa siduu u anfacay kii 1957kii?
Raga culimada ah ee soo abaabulay baqani ma yihiin rag maal iyo naf-huris le sidii ragii waagaa hore?sidee buu ku noqon karaa mid hanaqaada hirgalka baaqani?
Haddaba , waxa hubaal ah , in qof kasta oo dhagihiisa uu kusoo dhaco magaca ururkii Xisbullaahigii S/land ,inuu xasuusanayo isla markaaba Sayid Axmed Sh.muuse cabdi.
Haddaba si aynu wax uga xusno Xisbullaah , wuxuu qalinku inala sii jiidhayaa inaynu wax ka nidhaahno , Shakhsi taariikhiya oo talaabooyinkuu qaaday raad wayn ku yeelatay guud ahaan dhulka soomaalidu degto .
Waa shaqsi noqday qofkii ugu horreeyay qof Soomaali ah :-
· Ee dumiyay derbigii uu Ingiriisku kala dhex dhigay dadka S/land iyo dalka Masar , oo xilligaasna baahi waxbarasho iyo mid siyaasadeedba loo qabay xidhiidhkiisa .
· Ee horseedka u noqday inay dhulka S/land ku baahdo gaar ahaan meelaha Oomanaha ah farsamada Baraagaha la qoto ee sibidhka ah .
· Ee xafiis ka fura dalka Masar , si uu halkaa uga fulliyo danaha Ururada xornimo-doonka ahaa ee xilligii gumaystaha ,isla markaana tabantaabiya ardayda soomaaliyeed guud ahaan ,waxbarashada utegayay Masar Ee ka diga olole weyna ku qaaday kana soo horjeestay xeer-beeleedyada xun xun ee shareecada iyo caqliga ka hor imanaya .
· Ee ku baaqa aasaaska Urur la dagaalama qabyaaladda iyo xeerka xun , islamarkaana amniga iyo nabadaynta u hawlgala .
· Islamarkaana furay 1951kii xidhiidhka ganacsi ee S/land iyo Masar udhexeeyay kaasoo xidhmay 1884kii .
Waxyaabahaas iyo kuwo kaleba oo aynaan halkan kusoo koobi Karin ayuu shaqsigaasi u ahaa markasta hormuud .
Waa shaqsi lays waydiin jiray :-
Ma wuxuu ahaa ganacsade ,siyaasi , mise danjire , mise kormeere ardayda soomaalida ah ee dalka Masar ,mise Sheekh .


Sida uu kaga jawaabay suÂ’aalahan,sheekha qudhiisu gaar ahaan buuga uu isagu qoray (oo runtii ah ka aan badiba il ahaan kasoo xigtay xogahan) waxa uu yidhi :-
( waxaa dhacaysay inaan shaqo ganacsi galo , xoogaygana maalo , iyadoo ganacsigu xirfadayda ahayn ,.
Balse si aan ugaga Dhawrsanaado wax waydiisiga dadka .
suÂ’aalaaha kalena sidaas oo kale ayuu kaga jawaabay , isagoo mid walba ku sababeynaya duruuftii taagnayd . marka laga reebo ta sheekhnimada oo uu sheegay inaanu odhan Karin ma ihi isagoo sheegay inuu korka ka hayo kitaabka alle 2ba shahaadana ka sito kulliyadda Shareecada ee AZHAR .
haddaynu intaas ku dhaafno jawaabta Sayid Axmed ,.

Bal aynu eegno taariikh nololeedkii sheekha

· Sayid-Axmed Sh. Muuse Cabdi, wuxuu kudhashay tuulada XAAXI oo ku taala duleedk magaalada Odwayne ee gobolka togdheer.
· Halkaasna wuxuu ku dhamaystay malcaamad quraantii (macalin Yuusuf)
· Kadib wuxuu uga gudbay malcaamadii (macalin cawad) oo aha macalin carab ah kaas oo dhigi jiray afka carabiga.
· Kadib wuxuu goob ganacsi ka furtay magaalada berbera mudo kadibna waxaa dhacay dagaalkii 2aad ee dunida xiligaas oo ingiriis iyo talyaani ku dagaalameen magaalda berbera.
· Kadib markuu ingiriisku dib uqabsaday ayay isaga iyo walaalkii cabdalle ay ka furteen xarun ganacsi
Oo jumlad le ah iyadoo uu sayid axmed tagay Cadan halkaasna alaabta kasoo diri jiray waxbarashana u joogay.
· 1946 ayuu bilaabay sayidku inuu la dagaalamo xeerarka xun iyo qabyaaladda .
isla sanadkaa wuxuu magaalada Sheekh wuxuu kula kulmay Mr:Bill oo ahaa maamulihii waxbarashada maxmiyadda S/land , isagoo waydiistay inuu ka caawiyo Dalkugal ka Masar (visa) si uu halkaas waxbarasho sare ugu soo qaato ,balse arintaas waxaa diiday badhasaabkii guud ee S/land .
Kadib, wuxuu safar ku tegay Cadan , si uu Azharka visa uga helo , balse faro madhan ayuu kala soo noqday .
1seb,1948 , wuxuu galay safarkiisii dheeraa ee dhibta lahaa kaasoo uu ka bilaabay S/land ka dibna xagga Suudaan ayuu ka galay Masar dalkugal laÂ’aan (visa).
· Dhamaadkii Oct ,1948 ,ayuu gaadhay caasimadda Qaahira ee Masar ,halkaas oo rafaad kadib uu galay jaamacadda AL-AZHAR.
· 1954, wuxuu fasax kusoo noqday dalka gaar ahaan Degmada Oodweyne , ka dibna markuu shahaado sare kasoo qaatay Kulliyadda shareecada .
intii aanu dhamaan fasaxiisuna wuxuu shir isugu yeedhay Hogaamiyeyaashii ,Culimadii , iyo madax-dhaqameedkii ardaayadii Beesha Deegaanka ,wuxuuna ku qanciyay inay baabiiyaan xeerarka xunxun .

30 Oct ,1954 ,wuxuu la kulmay Badhasaabkii Ingiriiska ee Burco Mr. Wilson isagoo usheegaya goÂ’aankii Shirka Oodweyne kaas oo Nuxurkiisu ahaa inay faraha kala baxeen beel ahaan xeerkii xumaa ee ku dhisnaa ugu aaridda iyo qabyaaladda .
balse taas wuu ka diiday Mr: Wilson
isagoo sabab uga dhigay inay tahay
dhaqan soo jireena ,oo dhayal loo joojin Karin .

1948, ka hor intaanuu usafrin Masar , wuxuu Sayid Axmed Sh.muuse (A.H.N) qoday Berkeddii ugu horaysay ee casriya oo ku taala meel Oomane ah , kana fog dhul-biyoodka , iyadoo biyaha lagu dhisayna looga keeni jiray meel u jirta 70 km, Berkadaasina waxay kutaal Magaalada Gudubi ee gobolka Togdheer.
Sidaasna uu ku noqday Ninkii ugu horeeyay ee Berked sibidha sameeya , kana qoda meel sidaasa ,taasina waxay horseeday inay farsamada Baraagtu ku faafto dhamaan S/land .
(waxaa xusid mudan siduu sheekhuba ku sheegay buuga uu qoray ee Xisbullah in ay uga horeeyeen walaalkii cabdalle iyo saaxiibkii cabdi sh. cismaan nuur fikradan balse ay kala duwanaayeen oo ta cabdallena ay ku taalay magaalo biyo leh oo ah deegaanka odwayne ta cabdi sh. cismaana markiiba biyihii cabtay gaarna uu isticmaali jiray kaligii)
· 1954-1956 , wuxuu Azhar ka qaatay shahaadada loo yaqaan (Caalamiyya) ,isagoo ku darsaday ogolaanshaha garsoorenimada shareecada .(Al-Qaddaa)
· 1949,wuxuu bilaabay ololle uu ku raadinayo inuu furto ganacsiga Masar iyo S/land .
· October ,1951, wuxuu dalka Masar udiray shixnaddii ugu horeysay ee xoolo-nool ah , gaar ahaan Geela iyo Lo’da , isagoo la kaashaday walaaladii iyo saxiibadii oo dalka S/land ku sugnaa ,xilligaas oo haba yaraatee ayna jirin wax xidhiidh dhaqaale ah oo udhexeeyay S/land iyo Masar .
halkaasna wuxuu ka soo furay Albaabkii ganacsia labada Gobol oo xidhnaa tan iyo 1884,kaas oo uu awday Gummaysiga Ingiriisku .
· 1946-1957, wuxuu galay Afar (4) dooddood / Garnaqsi oo dhexmaray isaga iyo maamulihii Ingiriiska ee S/land .
· 30 march,1957, Sayid-Axmed Sh.muuse wuxuu hormood ka ahaa aasaaskii Xisbullaahigii S/land iyadoo lagu dhisay magaalada Burco .
· 20 june,1957,waxaa magaalada Laan-mulaaxo ku qabsoomay Shirweyne ay ku kulmeen wafdi Xisbullah ah oo uu hogaaminayay Sayid-Axmed Sh.muuse iyo Beelaha Habaryoonis.
Shirkaas oo ahaa talaabadii ugu horaysay ee Xisbullaah taas oo hordhac u ahayd Shirar isdaba socda oo Xisbullaah la yeelanayay Beelaha Somaliland iyo Beelihii kale ee soomaalida geeska.
· 26 Nov,1957, wuxuu ka qayb galay Shirweynihii 2aad ee Xisbullaah , kaas oo ku qabsoomay isaguna magaalada Laan-mulaaxo.
· April 1958- March 1960,intii ka dhaxaysay ayuu dalka mastaafuris kaga maqnaa kadib markuu maamulkii Ingiriiska
Ee S/land u arkay in Sheekhu halis ku yahay danaha Ingiriiska .
Markii taasi dhacdayna , iskama fadhiisan dalkii uu joogay markaas oo ahaa Masar ee wuxuu isku dhaffay Hawlo dhawr ah oo ahaa , Siyaasad , Ganacsi / Xoogsasho,wacyigalin uu kasoo jeedin jiray idaacada SAWTUL CARAB iyo tabantaabinta ardayda soomaalida ee xilligaas wax-barashada ujoogtay amma u immanaysay Masar.
· 1973kii ayuu ka kacay masaajidkii sh.cali suufi ee muqdisho isagoo ku dhaliilay maamulkii siyaad bare habkuu dalka umaamulay.kadibna waxaa loosoo sheegay in amar lagu bixiyay xadhigiisa sidaas ayaanu dalka uga baxay isagoo masar tagay.
· 1980kii ayuu ku geeriyooday dalka masar laguna aasay magaalada qaahira alle haw naxariisto isaga iyo intii dalka wanaagiisa usoo dagaalantay.
bal intaa aan ku joojino qeexidii iyo faaladii kumuu ahaa siyid-axmed waayo maqaalkan kuma soo wada koobi karno balse si aynu wax uga fahano taxanahan ayaynu usoo qaadanay.


Ujeedooyinkii xisbullaahigii S/land.
Xisbullaahigii S/land wuxuu lahaa ujeedooyin cad cad oon cidna ka dahsoonayn , Ujeedooyinkaas oo uu had iyo jeer ku hawl gali jiray dadkana usoo bandhigi jiray ,hadaynu kusoo durugno ujeedooyinkaasi waxay ahaayeen :-

1: Utafaxaydashada sugidda Ammaanka , Dib-uheshiisiinta iyo Dabar-goynta xeerka kiisa xun.(ku dhaqanka shareecada)

2.Uhawl-galida dhawrida deegaanka iyo badbaadinta dhirta iyo daaqa iyo ka hortaga dugaaga cuna xoolaha nool.
3: Ku faafinta waxbarashada Aasaasiga ah , Miyiga iyo Tuulooyinka ka fog magaalooyinka ,gaar ahaan waxbarashada Diiniga ah .
Xisbullaahigii S/land , wuxuu (wasaaÂ’il) amma Dhabbayaal uu umaro ujeedooyinka kor ku xusan ka dhigtay todoba (7) aayadood oo qurÂ’aanka kariimka ah ,.
Kuwaas oo macnahay xambaarsanyihiina noqonayo :-
1:- Qabsada xadhiga Alleh Dhamaantiin, hana kala tegina .
2: Isu kaashada wanaaga iyo Alle-ka cabsiga , haysuna kaashanina Dulmiga iyo cadaawadda .
3: Qofkii qof dila isagoon qofkaasina naf goyn , ama aan Dhulka fasahaadin , waxay lamid tahay iyadoo uu dhamaan dadka laayay , qofkii naf badbaadiyana uu la mid yahay isagoo dhammaan Dadka badbaadiyay .
4: Hays khilaafina yeydaan fashilmine, oo aanay lumin Awoodiinuye , sabirna ogaada , Alleh wuxuu lajiraa kuwa sabree .
5: Shaqeeya (camal-fiican ) Allah iyo Rasuulkiisu iyo Muuminiintuba way arki doonaan shaqadiina .
6: Alleh ma badalo qolo ilaa ay badalaan waxay ku Dhexjiraan .
7: MuÂ’miniintu waa walaalo , ee wanaag dhex dhiga walaalihiin .

Sidoo kale Xisbullaah wuxuu halku-dhig ka Dhigtay Aayada kale ee macnaheedu yahay :-
(( Nebi Allaw heli maysid qollo Alle rumaynaysa iyo maalinta Aakhiro, oo haddana kalgacal uqaba kuwa Allah iyo Rasuulkiisa colaadiyay ))
Shuruudaha xubin-nimada Xisbullaah.
1:- Waa in ay xubintu u hogaansanto xeerarka , Aayadaha iyo Axaadiista kor ku xusan , gaar ahaan kuwa Qisaasta (xeerka-ciqaabta ).
2:- Waa in xubintu ku dhaarataa Allaha weyn (S.W.T) in aanuu Naf dulmi udillayn, cadaawadna wax u dhacayn , uguna gargaarayn qof dulmi falle ah dulmigiisa iyo inuu xaqa ugargaaro, Baadilkana la dagaalamo .
3:- Inuu ka baxo xeerka kiisa xun ee shareecada islaamka ka hor imanaya , islamarkaana aanuu Beeshiisa gardaro ku garab istaagin .
Waa in xubintu ku dhaarato Allah inuu daacad unoqonayo , Diintiisa , Dalka , iyo Mabaadida xisbiga ,islamarkaana cidna aanu uga habran xaqa.
Lasoco...

Ahmed Madar <madar788@yahoo.com>

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Postby Dhaga Bacayl » Fri Dec 08, 2006 4:39 pm

[quote="biko"][quote="Dhaga Bacayl"]Biko,

Certain people arenÂ’t worth answering.[/quote]
--------------------------------------------------------------------------------------

i say to myself the same thing, but its just beyond me why would a fellow isaq harbor such intense hate towards the noble sacad muse. am use to somalis hating on each others qabil but i never seen anyone like x playa.

walaahi it doesnt make any sense to me and i would realy like to know what we did to him or his adoptive qabil.[/quote]


Sacad Muse kama xigno oo wty la dhasheen isba markaa...like I said before ignore him.

smooth
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3947
Joined: Tue Jan 20, 2004 7:00 pm
Location: London

Postby smooth » Fri Dec 08, 2006 4:48 pm

The very same old Stories always quick to jump onto the denial Bandwagon a Back flash of what they did to ZamZam couple years Ago, pointless arguing with those that try to defend the inevitable

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Postby fagash_killer » Fri Dec 08, 2006 5:25 pm

[quote="smooth"]The very same old Stories always quick to jump onto the denial Bandwagon a Back flash of what they did to ZamZam couple years Ago, pointless arguing with those that try to defend the inevitable[/quote]

what happend to that lady is wrong but we all have fucked up leaders

User avatar
fagash_killer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13942
Joined: Wed Dec 29, 2004 3:28 pm
Location: And You Can Run For ya Back-up But Them Machine Gun Shells Gone Tear Ya back Up

Postby fagash_killer » Sat Dec 09, 2006 11:26 am

would you guys support the goverment this time?

Booliska Oo Xidhay Sheekh Reer Hargeysa Ah Oo Dad Gadoodsani Ku Horjoogsadeen Masaajid
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 8 December, 2006
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.org) – Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay gacanta ku dhigeen, isla markaana la xidhay, Sheekh Cabdillaahi Makaawi, isaga oo sheegay in ammaankiisa la sugayo.


Sheekha la xidhay, Sheekh Cabdillaahi Makaawi oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, waxa la sheegay in buuq ka dhashay khudbad uu ka jeediyey masaajid ku yaalla xaafadda Xero Awr ee magaalada Hargeysa oo uu ku tukanayey salaaddii Jimce ee maanta, isla markaana dad gadoodsan oo ka cadhooday khudbaddiisu ay isku xeereen masaajidkaasi, halkaasi oo ay ku goÂ’doomiyeen Sheekha.


Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi oo caawa u waramay warbaahinta dowladda waxa uu sheegay in khudbadda dadku ka gadooday ee Sheekhu jeediyey ay ahayd mid ku saabsan in gurmad loo fidiyo dadka waxyeeladu ka soo gaadhey daadadka iyo fatahaadaha webiyada ee Koonfurta Soomaaliya, taas oo uu taliyuhu sheegay in dadku ay u qaateen arrin siyaasadaysan oo kaalmo loogu doonayo Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho.


Sheekh Cabdillaahi Makaawi waxa la sheegay in saacado badan uu ku goÂ’doonsanaa Masaajidka gudihiisa, dadkuna ay ku xeernaayeen iyaga oo doonaya inay la soo baxaan. Hase yeeshee, Taliyaha Boolisku waxa uu sheegay in ciidanka booliska ay u suuragashay in Sheekha ay kala soo baxaan Masaajidka, haatanna uu u xidhan yahay sabab la xidhiidha ammaankiisa.


Guddi isugu jirta culimo, salaaddiin iyo ganacsato Reer Somaliland ah ayaa Isniintii kaga dhawaaqay shir ay ku qabteen Hotel Hadhwanaag baaq ku saabsan in dadka reer Somaliland ka qaybqaataan gurmadka iyo gargaarka dadka ku dhibaataysan Koonfurta Soomaaliya ee daadadka iyo fatahaadaha webiyadu waxyeelada u geysteen. Hase yeeshee, isla shirkaas laftiisa ayay ka bilaabantay dood siyaasadeed oo aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyey baaqaas.


Gadoodkan maanta ka dhacay Masaajidkuna waxa uu ka dambeyey barnaamuj taxane ah oo Telefishanka Qaranku ku taageerayey aragtida ka soo horjeedda Baaqa gurmadka Daadadka, barnaamujkaad oo lagu soo bandhigay dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Somaliland iyo weliba xasuusta xasuuqii ciidamada dowladdii Soomaaliya u geysatey dadka reer Somaliland sanadihii 80neeyadii, iyada oo baaqa gurmadka daadadka laga dhigayo mid la siinayo dad hore dhibaato ugu geystey Somaliland.

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

User avatar
Ina Baxar
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10796
Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
Location: Arabsiyo, Somaliland

Postby Ina Baxar » Sat Dec 09, 2006 2:12 pm

What does supporting the governement has do to with it?
You gotta a sheikh that was trying to raise funds for -->"dadka waxyeeladu ka soo gaadhey daadadka iyo fatahaadaha webiyada ee Koonfurta Soomaaliya"
Then you 've got reer Xero Awr oo sikale u fahmay arrinta Laughing
The police had to take action --->""Hase yeeshee, Taliyaha Boolisku waxa uu sheegay in ciidanka booliska ay u suuragashay in Sheekha ay kala soo baxaan Masaajidka, haatanna uu u xidhan yahay sabab la xidhiidha ammaankiisa"
END OF THE STORY.

User avatar
Xplosive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8311
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: Da Hood

Postby Xplosive » Sat Dec 09, 2006 2:53 pm

Too much Drama. Laughing

I heard the Sultan will feature in the Somaliland version of Prison Break.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 59 guests