and they wonder why neo nazi leaders like waraabe and silanyo lose elections to udub
faysal Ali Warabe Oo Ku Hanjabay Haduu M/Weyne Noqdo Inuu Talaabo Kaqadayo K/Som
(Hargeisa}4.12-6
Gudoomiayaha Xisbiga Mucaaradka Ee maamulka labaxay la baxay Somaliland ayaa ku Hanjabay inuu talaabo ka qaadayo Koonfurta Soomaliya hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee Somaliland iyadoo weli Somaliya ka jiraan kacdoonada lagu bedelayo maamulada jira.
Feysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka ( UCID) Ee Maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay isagoo u waramayay Saxaafada Madaxabanaan in uu talaabo la taaban karo uu ka qaadayo Koonfurta Soomaliya gaar ahaan Maxkamadaha hadii uu ku guuleysto doorashada Madaxtinimo ee Somaliland iyadoo weli ay taaganyihiin cadaadisyada uga imaanaya dhinaca Koonfurta Soomaliya.
Feysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wax walba oo ku soo wajahan islamarkaana ay awood u leedahay inay difaacdo qaybaha ay ka taliso hadii lagu soo duulo wuxuuna carabka ku adkeeyay in aysan waxba u dhimayn Somaliland rag ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Somaliland oo iyagoo soo goostay maalintii shalay ahayd soo gaadhay Magaalada Muqdisho kuna soo biiray Ciidanka Maxkamadaha Islaamiga ah .
Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmay maalin kadib markii saraakiil reer Somalilan ah oo lagu soo tabobaray dalka Ethiopia ay soo gaadheen Magaalada Muqdisho iyagoo sheegay inay ku soo bireen maxkamadaha iyo waxa ay ugu yeedheen kacdoonka lagu difaacayo dalka iyo diinta.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa mamulka labaxay Somalialand waxaa laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo Maxkamadaha taasoo maamulka labaxay Somaliland ay u Xidhxidhay dad faro badan oo uu ugu dambeeyay suldaan ka guud ee beesha Habar Yoonis oo ku baaqay in shareecada Islaamka laguy dhaqo umadda Soomaaliyeed.
Widhwidh Online