Xasan Daahir oo sheegay in aysan caqli gal ahayn in hubka fudud dadka laga aruuriyo, taasoo ka horimaanaysa wareegto uu soo saaray Sh. Shariif oo lagu dhsay guddi hubka ka aruuriya guud ahaan dadka ku nool goobaha ay maxkamadaha ka taliyaan.
Hobyonet. Muqdisho. Arbaco,Dec 06, 2006
Guddoomiyaha golaha shuurada ee maxkamadaha Sh. Xasan Daahir Aways, ayaa sheegay in uusan taageersaneyn in hubka laga aruuriyo dadka magaalada Mqudisho, isagoo sabab uga dhigay in dadka ay hubka isku difaacaan.
Sh. Xasan wuxuu sheegay in haddii dadka shacabka ah laga aruuriyo hubka aan la soo hoyn karin guul la mid ah tii uu Gen. Caydiid ka gaaray dagaalkii uu la galay UNISOM, markaasoo dadka xaafadaha inta hubkooda ay la soo baxeen ay kula dagaalameen ciidamada Mareykanka ee weerarka soo qaday.
Guddoomiyaha golaha shuurada wuxuu qaaday in xilligaan oo ay dowaldda Itoobiya u soo dhaaranayso in ay soo weerareyso Soomaaliya in aysan isaga la habbooneyn in la qaado tallaabooyin ganacsatada iyo dadka caadiga ahba hubka looga dhigayo.
Sh. Xasan wuxuu sheegay uu oggol yahay in hubka waaweyn sida baabuurta tiknikadaha ah lagu wareejiyo maxkamadaha oo laga saaro gacanta ganacsatada, isagoo diiday in wax lacag ah loogu baddalo ganacsatada hubka laga qaadayo.
" Muxuu ninka u iibsaday hubka, waa in uu ammaankiisa ku ilaaliyo, marka haddii marba la ilaalinayo ammaankiisa xaq uma lahan in lacag loogu baddali hubkiisa." ayuu yiri Xasan Daahir.
Hadalka ka soo yeeray Sh. Xasan ayaa waxa uu u muuqdaa mid burinaya wareegto uu Sh. Shariif ku magaacabay guddi hub aruuris ka sameeya goobaha ay maamulaan maxkamadaha Islaamka.
Guddigaas oo madax looga dhigay Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa waxa shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegeen in muddo 7 cisho ah hubka yaala Muqdisho oo dhan lagu soo xareeyo, haddii kale ay tallabi ka qaadi doonaan ciddii hub haysta.
Sh. Mukhtaar wuxuu sheegay in 7 maalmood kadib ciddii lagu arkaa iyadoo haysta qoray noocoo doono ha ahaadee loo arki doono dad dano kale leh, oo lala xisbaatami doono.
---
This is perfectly a legitimate topic and it should not be edited. If you decide to edit it please make your explanations.
Nolol cusub
.




