Postby AbdiWahab252 » Fri Dec 15, 2006 10:12 am
Audio News
Subax|08:00 Am
Duhur | 02:00 Pm
Habeen|07:00 Pm
Bartilmaameed
Halkaan ka dhegeyso Barnmaaijka Bartilmaameedka Simba, wareysiyadda, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, iyo bulsha weynta soomaaliyeed, dhacdooyinka taagan.
Dhageyso
Last Updated Friday December 15, 2006 10:10 AM Mogadishu-Somalia-Bakaaraha Street
Israsaaseyn xalay ka dhacday agagaarka Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.
Muqdisho, Jimco, 15 Dec 06 Simba Radio
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Bay fariisin KMG xiligaana u ah Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegaya in is rasaaseyn ay xalay ka dhacday duleedka Magaalada Baydhabo ee dhinaca Koonfureed, iyadoo la sheegay in is rasaaseyntaasi ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.
Lama garanayo ilaa iminka is rasaaseyntaasi qasaaraha dhabta ah ee geystay, laakin waxa ay wararku sheegayaan in 20 Daqiiqo ay tacshiiradaasi socotay.
Max'ed Deeq C/qaadir oo isagu ah Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Dowlada Federaalka Somalia oo Baydhabo ku sugan ayaa Idaacada Simba saakay ayaa xaqiijiyay is rasaaseyntaasi.
“Rasaasta waxa ay ka dhaceysay dhanka koonfureed ee Magaalada Baydhabo, muddo 20 Daqiiqo ayay socotay, ilaa iminkana cida is rasaaseysay lama sheegi karo” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta DFKMGS.
Si kastaba ha ahaatee, Is rasaaseyntaan ayaa noqoneysa midi ugu horeysay oo ka dhacda Gudaha Magaalada Baydhabo oo dadku ay wada maqlaan tan iyo markii Baydhabo ay ka biloowatay xiisadaha la xiriira in dagaal uu dhex mari karo Maxkamadaha iyo DFKMGS.
Simba Media Center , Mogadishu