Page 2 of 3

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:21 pm
by Dhaga Bacayl
[quote="kambuli"]Dhaga,

Sidii oo weliba si lagu daray ayaan ahay.... Laughing

Costa,

Oo inleyn weli maad korin Exclamation Aga..... Laughing[/quote]

Hadaad doonayso in lagu guursado qaylada badan jooji inaabti. Wink

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:32 pm
by foolxume2005
Alla anoo shaqada ku jira ayaan markaan meesha ku arkay Kambuli mageceeda ayuu my heart skipped a beat, kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e.



Milgo loo sameeyiyo haddaan, gabaygu meel haysan
Ama arin marroorsamay ka curan, madaxa hawl gaadha
Ama mawjad godoshaa ku dedin, murugo saamaynleh
Macno malaha midho aad dhistoon, noqonin maahmaahe

Hawraar iyo mushaawiro tixdaan, muhindisee dhaabay
Arartaan maggaabshiyo intaa, gogoldhig aan meershay
Waxa igu muquunshaye ibaday, inaan ka maansoodo
Waa maag jacayl oo I helay, maxamed raadoowe

Il go`ayga muuqdiyo waxaa, madhiyay jiidh kayga
Mudo aan yarayn baan lahaa, yaan lagaa maqale
Maad yaan lagaa dhigan waxaan, ugu xidhaa meelba
Ma holodo e sheekada waxaan, qariyo maandhoowba

Meded waxan I dhaahdiyo waxaan, mala haboow shaaba
Waxa maqane aan tebay waxaan, keli u muudaaba
Wuxu khayre moog yahay wuxuu, mariyo guuleedba

Waxay maray dadkaygii waxay, durrimo moodaanba
Marba oday lur soo maray waxay, maan ka weriyaanba
Wadaad mariya baabkiyo wuxuu, macil baadhaaba
Mid dabiib u sheegiyo waxay, male u waayaanba
Mashaa`iikh I raacdiyo waxay, maag u badiyaanba
Cashar Milan qardhaas iyo waxay, kayn I mariyaanba

Murkii haysan waayoo kalgacal, iga midh roonaaye
Layga maqalye maanta aan furfuro, maaxay gabaygiiye

Ammaan iyo milgooy baan sidaa, heeso maangala e
Maansadii cuslayd iyo baan sidaa, muxubo heeloode
Mawjad aan dhammaan baan faraqi, maarar aan hadhine
Layga maqalye maanta aan furfuro, maaxay gabaygiiye

Afartaa mataanaha is mida, ama maqaamaysan
Midhahaa la qiimeeyay iyo hadalkan maamuusan
Waa maqaal daboolaa ogaal, maqashii hawraare
Moogada tixdaydiyo halkaan, ula muraad yeeshay
Balaan maar ku dhaadhaco ayaan, seegin marinkiiye

Caashaqa mayracay inaad, maqashay lay sheegye
Waa mawd kii boodhari deldelay, melegiyo laayaane
Ana miciyihiisii I sudhay, muruqna ii baanye
Miyi iyo magaalaba warkii, maanta wada gaadhye
Mudo la igu haasaw hadana, la igu maahmaahye
Madashaan imaadaba dartaa, la iga soo maagye

Mudadaan ku naawilay intaan, kuu min tirinaayay
Intaan kuu maleegnaa ragbaa, maydh ka soo degaye
Iga madhay dulqaadkii majiro, madax adaygiiye
Ha marsheen adduunyada sidii, maayad dhool da`aye
Ha mushaaxo reeraha illaa, mooska shiinaha e

Marsadii togdheer iyo nugaal, mudug ha geeyeene
Intuu caashaq soo maray ha mudo, hana mataakheene
Hayga wada macaasheen intii, ila masaalayde
Murti dhaadhigoodiyo illaa, muuse haw tago e
Aday sida maqaarkee haddaan, kuu masalo sheegto
Bal I maqal murtaan kuu alkumay, waana kuu marine

Dhul matacay miisaan cir da`ay, fad iyo dhool muuqda
Miiraale roob iyo sidii, waqal mirtii hooray
Mahiigaan hillaaciyo sidii, heego midabaysay
Marso curatay waagiyo sidii, sagal maraalaystay
Mayay bururay matuuxaal dhexgalay, mulugle guulaamo

Hir magoolay midho kayn kabaxay, malabka hoobaanta
Yabaq madaw geedo aan la marin, midab cagaar doogleh
Mareeg buuxda madal geel ku dhalay, dararta maal reemay
Sidiisaa maguuraan kalgacal, laygu kaa milaye
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e

Sidii geed mudhbaxay oo dhirtii, qariyay muuqiisu
Manka iyo caleentiyo midhaa, ubaxa miisaamay
Ama midabka laamaha bixiyo, mulacle dheeraaday
Oo mayl ka hirayoo degaan, qaatay magaciisa

Oon marnaba ku daalayn indhaha, milicsadee dhawra
Oon xussuusta maankiyo ka go`in, laabta midab kiisu
Sidiisaa maguuraan kalgacal, laygu kaa milaye
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e

Dadkoo maangaddeedii hadh galay, maalin dhalanteed leh
Ayaan keligay muudaa cadceed, milic kaliileede
Wado madaw dariiq aan la marin, meelo laga maago
Mahaaligo intaan galay dartaa, moosin laga fiigay
Male keeni maayoo majiro, ruux metelayaaye
Meeraalaysi gaygay nafluhu, iga mushteegeene
Miyir laawe iyo waxay moodayaan, ruux maraan qaba e

Aduun baygu maaxdoon milgooy, mar iga guurayne
Marna kuma hilmaamoo adaa, laygu kaa maraye
Maxayga iyo adigaa mijaha, maalay keligaaye
Maskaxda iyo dareenkaad mirtaa, meelaan joogaba e
Aduun baygu mudanoo wax kale, waan ka maan go`aye
Inaan kuu milliilicay adaa, ii markhaatiya e
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e

Maadhiinka hablii laga bixin jiray, maahirtiyo geela
Magaynada waxaad tahay hablii, muunada lahaaye
Gayaankayga maalmahan hablaha, muuqaliyo haybta
Adaw mudan gashaantida intaan, marayay reeraaye

Madhaafaan waxaad tahay hablii, magacu saaraaye
Gobtii muuse wayniyo reerihii, muuqday baad tahay
Waxan kugu masaalaa majiro, magan illaahaye
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e

Nin maal hodo muuq wiil ku gala, mudane hayb raaca
Boqol marin midkood bay hablaha, raggu ku miidhaane
Nin walibana miduu caashaqaa, waw maryama luule
Ana maanta mayaygaygu da`ay, maayadlahan caashaq
Waxa laygu kaa muday haddaan, meel ku sababeeyo

Siduu maalig kuu uumay iyo, moolka dhalan kaaga
Qalin baa la mariyaye ilkaha, dabarku maanseeyay
Marso culan sideedii timaha, maraya duudkaaga
Ereyada macaan iyo codkaad, malabka moodayso

Madaxaad dadbaysiyo wejigaad, marada saarayso
Laafyaha la miisaamay iyo, xayaha kaa muuqda
Marta iyo hagoogtaa I dilay, milicsigoodiiye
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e

Maalintaan isbaranaan fatahay, muhashadaadiiye
Midabkaaga iyo waxay furfuray, muuqa dhaayaha e
Markii aan maggaabaan waddacay, miin halhays badane
Cilmi kii makalay baygu mudan, maayad qaro wayne

Wuxu ii miciinsaday milgooy, mur iyo daybaaqe
Ma ledoo mannaam iyo hurdaba, wayga maanacaye
Lama maqal iyo wuxu igu furay, lama maleeyaane
Ka laymariyay caashaqa I miray, mahadho weeyaane
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e

Heesaha macaan iyo milgooy, meeriskiyo luuqda
Muxubayga keentee si fudud, uma miskeedeene
Masalooyin kayguu lulmaa, kay u mariyaane
Midhahayga gayaankii maqlaa, laysu mehershaaye
Maansadaan daraadaa tirshaa, laga mafsuudaaye

Muhda gabayga adaan kuu lisaa, magar cadkiisiiye
Murtidayda adaan kuu dhuraa, ceelka maaxda lehe
Suugaan madiya adaan kuu marshaa, kugu madiigaaye
Marba kaw macaan iyo midkii, lagu murqaan gooyo
Waxan hadalka kuu miirayaa, kaw mullaax badane
Yay masuugin sidaan kuulahaa, madhiyay hawraare

Waxaas oo masaa`ila adaan kuu miskeed sadaye
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e
Waxba yaanan maararooga gabay, sii milgooy wadine

Sidaan ahay mullaaxoo dhashoo ilmii, manta laga ooday
Meehanoowga waxa iigu wacan, muxubadaadiiye
Milicsiga indhihii baa qalbigu, kuu muhanayaaye
Marba aniga oo muudayaan arkaa, meel agtaada ahe

Madawgii habeenka iyo illaa, muuqashada waaga
Madadaalis kaagaan jeclahay, maalin iyo layle
Maalintaanad I maaweelinayn, jeex dhan bay maqane
Marxaba iyo waayahayna aniga, way magdhebi layde
Waxba yay muraaqadu I lalin, muxubo heelloode
Kaama maarmee maalin maan ku heli, maanku haydego e.

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:36 pm
by foolxume2005
Kambuli:
I cant stand you, why did you leave?
what did I do wrong for you not to care anymore?
I know one time when you said that you loved me
with all your heart.
what happened to the girl I knew, with her charming voice, which could stop everyone if exposed,
whose imaginable right hand was in my left hand?
I cannot pretend that I don't love you anymore,
but I cannot pretend don't hate you either.

as I kill the memories of you and me,
sirens start ringing from my heart.
coming to capture me are the officers of my love.
Inscribed in an army of dark beings,
you look at me with the eyes I once knew
but then they change into hatred I am being forced away.
as I am driven away,
rich, silent voices start talking,
they're telling me all our conversations,
and as they do, I start to cry.
I picture nothing but you,
your looks, personality, charm.
and then it just disappears,
vanishes, right before my eyes.

I knew you loved me, but
you didn't know that I loved you back.
you were blinded, distracted maybe
NO! you just didn't care,
didn't want to see.

I do hate you,
but I'll still love you
FOREVER FOOLXUME

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:37 pm
by Samatr
Don't scare her off again. Smile

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:41 pm
by foolxume2005
[quote="Samatr"]Don't scare her off again. Smile[/quote]

Samatarow, I dont wanna scare off I just wanna say to her:
Its amazing how i see your name pop up,
And i wanna pop out of my seat,
Its amazing i can be so sad and blue,
But no matter what i do,
When i talk to you i cant help but smile,
Its amazing how god can give us such little thing,
But to one person that little thing,
Is there whole life,
In my heart i know,
I can never be what u deserve,
But i cant help,
To love you till the end

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:46 pm
by foolxume2005
I think she left, well let me say this:

You turned your back and started to walk,
I cried out to you, but you did not hear.
I tried to get up and run after you,
You turned and said you have to stay dear.


How could you come and turn and leave,
My heart ripping in agony.,
What were you trying to do to me.


I have been waiting for so long,
for you to come for me.
My pain would finally come to an end,
There is something you want me to see.


Now I am back in my living hell,
waiting again for you.
For the time you will come and take my hand,
to lead me away to the promised land.

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:50 pm
by Sir-Luggoyo
Foolka Xaaji

Alla ninyahow maxaad xuux tahay. War gabadhu salkaba dhulka ma dhigine goormaad gabayada xunxunee jacburka kula boodday? Besides, tartan weyn oo adiga iyo Ina Baxar ah inuu jiro miyaadan ogeyn?

Bal u kaadi gabadhu biyo ha cabto, ha maydhato oo ha nasatee, belaayayahay foosha xun

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:51 pm
by foolxume2005
^^ :waxaad rabtaa markayfariisato inaad dul istaagtid?

Posted: Fri Dec 15, 2006 3:54 pm
by kambuli
Grant, quote " Farax waan lehyahay inaad soo celay. Ha deg! "

Laughing Laughing I am impressed Exclamation How did you learn all these Somali words?

Thanks for the warm Exclamation warm Exclamation Welcome...

Cheroke,

Thanks walaal adiguna.... Haddii aan foofka la iga jiidhin, waan joogi baan filayaa Smile

Foolka Exclamation Foolka Exclamation

Odeygan yari muxuu ahaa Laughing

Ma waraabe ruux uu naf ka waayey ayaad waxaasoo dhan u tirisey?

Thanks a lot....

Posted: Fri Dec 15, 2006 4:01 pm
by foolxume2005
^^ Ina abti iska waran bal horta? maxaa iga danbeeyay?

Posted: Fri Dec 15, 2006 4:04 pm
by kambuli
Foolka,

Not much inaabti... Waxoogaa sir ah oo fakatay mooyee... Sideyda kale waa shab shab....Foolka junior weli ma dhashay? Walqasha se wax ma naga siin doontaa haddii Eebbe Idmo?

Posted: Fri Dec 15, 2006 4:08 pm
by foolxume2005
Alla waxaasi waa sirlugooyo isgaa kuu sheegay soo ma aha?
maya walaal insha alah wuxuu soo baxayaa May 2007.

Posted: Fri Dec 15, 2006 4:25 pm
by Cawar
Kambuli

Nice to you see you again sis...lama huraan waa caws jiilaal..

Snet with all its shor comings is the place to be....and btw..allah caaygii aad buu yaraaday..it mainly sheeko, qabiil and TFG and ICU now a days as you can see it yourself.

soo ha is martiyen...odgaaan lugooyana warkiisa ka bax waayahaanba beentuu yara bartaye.. Smile

And midkaan foosha xunse...dee you know how to handle him baan filaayaa.


see you next time. Arrow

Posted: Fri Dec 15, 2006 4:39 pm
by Ashlee
the old lady's back. Shocked

Posted: Fri Dec 15, 2006 4:56 pm
by foolxume2005
^^ Watch how you talk to my woman.