Ciidamo gaaray Muqdisho
15 Dec 15, 2006, 11:39
Ciidamo kasoo baxsaday dowladda Federaalka KMG ah oo tiradooda gaareyso Boqol iyo Shan ayaa maqribnimadii caawa waxaa lagu soo dhoweeyay xaruntii warshada Caanaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku hubeysan qoryaha fud fudud iyo gaadiidka dagaalka oo sadax baabuur ah iyo labo gaadiid oo yaryar.
Ciidamadan oo si diiran loo soo dhoweeyay ayaa waxaa halkaasi kula hadlay ku-xigeenka Madaxa amniga Sh.Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka warbixiyay sababihii ay usoo baxsadeen ciidamadan wuxuuna sheegay in ay u adkeysan waayeen gumeysi ay sheegeen in Baydhabo uu ka jiro.
Sh. Muqtaar Roobow ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadan ay jidka kusoo jireen mudo 30 cisho ah waxayna lasoo kulmeen dhibaatooyin fara badan iyagoo markii ay soo baxsanayeen ay jidka iskula dhaceen ciidamo Ethiopian ah waxaana halkaasi oo ugu geeriyooday hal ruux sida uu sheegay mid ka mid ah maliishiyada.
Malishiyadka dagaalka ayaa u kala baxsada DFKMG ah iyo Maxaakiimta.
Cali Muxaydin Cali,GO
http://radiogarowe.com/



