Dagaal khasaaro badan oo ka socda duleedka Baydhabo ayadoo dayuuradaha quamaatiga u kaca [helicopters] lagu daadguraynayo dhaawaca dawlada iyo Itoobiyaanka
December 21, 2006 at 11:45 am | In | 16 Comments
Dagaallo khasaaro badan gaystay ayaa weli waxay ka socdaan duleedka Baydhabo ayadoo ciidamada dawlada oo ay taageerayaan Itoobiyaanka iyo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ay hataan si aan kala goÂ’ lahayn ugu dagaalamayaan bariga magaalada Baydhabo, gaar ahaan deegaanka u dhaxeeya Baydhabo iyo Moodamoode. Magaalada Baydhabo daafaheeda Bari waxaa si wayn looga maqlayaa guuxa madaafiicda culus oo ay labada ciidan isku garaacayaan. Waxaa la arkayaa dayuuradaha quamaatiga u kaca [helicopters] ee ay leeyihiin ciidamada Itoobiyaanka oo dhaawacyo ka soo daadguraynaya jiida hore ee dagaalka oo ku degaya dhawr goobood oo uu ka mid yahay garoonka dayuuradaha ee Baydhabo. Degmada Buurhakaba waxaa lagu dawaynayaa oo loo qaadayaa dhaawacyada ciidamada Maxaakiimta Islaamiga . Dhinaca Iidaale ee xigta Diinsoor waxaa sidoo kale ka socda dagaal qaraar. Dagaalkan dib u bilowday oo socda maalintii labaad ayaa waxaa uu u muuqdaa mid aan waxba la isula harin.
http://baidoa.wordpress.com/
------------------------------------------------------------------------------------
Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Ethiopian-ka oo maanta dhaawac ka daadgureeyay Baydhabo.
Published: 21 December, 2006 12:33
Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Ethiopian-ka ayaa lagusoo waramayaa in ay dhaawacyo ka daadgureynayaan garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,kuwaasi oo kuso dhaawacmay dagaalada ka soconaya deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Bay.
Goob joogayaal ku sugan ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada Ethiopian-ka oo dhaawac ah isla markaana laga qaadayo garoonka magaalada Baydhabo,waxaana ay intaasi ku dareen in Ciidamada Ethiopian-ka ee la qaadayo ay yihiin kuwo dhaawacooda uu yahay mid aad u daran.
Dadka reer Baydhabo ayaa ka walaacay diyaaradahasi oo u maleeyay in ay duqeyn xagga cirka ah fuliyaan,hayeeshee waxaa ay ka warheleen in diyaaradahaasi ay yihiin kuwo dhaawac daad gureynaya balse aysan aheyn kuwo dagaal.
Arrimahaasi ayaa kusoo beegmaya Xilli Saraakiil uu kamid yahay Ibraahim Shukri oo Muqdisho maanta shir jaraa'id ku qabtay ay sheegteen in 70 ciidamo Ethiopian ah ay ku dileen dagaal ka dhacay Idaale,waxaana uu intaasi uu ku darayaa wararka ay sheegeen in raga ay laayeen uu ku jiro sarkaalkii hogaaminayay Ciidamada Ethiopian-ka.
Jibriil Nuur Alghamidi
Wakiilka MaraCadey - Mogadishu



