THE MOGADISHU INSURGENCY
Last night, the UIC sent out hundreds of its soldiers to patrol the streets in an effort to combat a new insurgency in Mogadishu. There had been several unexplained explosions in the past week. The number of demonstrations opposing the UIC have occured in Mogadishu over the past few weeks.
Hostility is building up. The UIC once depended on the public support to oust the Warlords yet now that very source is going to turn against them
"He who builds his castle on the goodwill of the people, builds on sand."
Ciidamada Maxkamadaha oo xalay si weyn u adkeeyey ammaanka Muqdisho
Amaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa xalay si weyn loo adkeeyey kadib markii ay sidaasi amar ku bixiyeen mas'uuliyiinta dhinaca nabadgelyada u qaabilsan maxkamadaha Islaamiga ah, iyadoo habeenimadii xalayna lagu arkayey Isgoysyada Muqdisho ciidamo si ba'an u hubeysan oo wata gaadiidka dagaaalka, kuwaasoo mid mid u baaarayey gaadiidka maraya waddooyinka ee isaga gooshaya qeybaha kala gedisan ee magaalaada Muqdisho iyo waliba dadka ay ka shakiyaan.
Madaxa maxkamadaha Islaamiga ah u qaabilsan nabadgelyada gobolka Banaadir C/llaahi Macalin Naxar (Abuu- Cuteyba) ayaa sheegay in ciidamada roondada ah ay yihiin kuwo sugaya nabadgelyada iyo xasiloonida magaalaada Muqdisho, wuxuuna yiri waxey la socon doonaan hadiiba ay jiraan wax dhaqdhaqaaq ah oo ay sameynayaan wax uu ku tilmaamay kooxo wax qarbudaya anmaankana wax u dhimanaya.
“Ciidamada maxkamaduhu waxey la socon doonaan dhaqdhaqaaqyada magaalada, waxeyna ku raad joogaan kooxo qaraxyo ka geystay magaalada, waxeyna sidoo kale xoojinayaan go'aankii ka soo baxay guddoomiyaha guddiga fulinta Sheekh Shariif ee lagu mamnuucay in aanan wax hub ah lagu wadan karin magaalada Muqdisho” ayuu yiri Abuu-quteyba.



