Postby fagash_killer » Sun Dec 24, 2006 11:20 am
Maxkamadaha oo sheegay inuu burburay Magaca DFKMG
Last Updated::2006-12-23 17:25:55
Muqdisho:- Prof. Ibraahim Xasan Cadow Madaxa Arrimaha Dibada Ee Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay inuu gabi ahaanba burburtay Dowlada Federaalka, isagoo sheegay in Maxkamadaha ay dhawaan qabsadan doonaan Magaalada Baydhabo.
Prof. Cadoow ayaa sheegay in DF ay albaabada u xirtay wada hadaladii socday, isagoo sheegay in dalka ay soo galisay Cadowga Ummada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay Ethiopian-ka.
Prof. Cadoow ayaa sheegay ineysan marnaba wada hadalka uu dhex mari doonin DF iyo Maxkamadaha Islaamiga, isagoo sheegay Dowlada Ethiopia inay dhici karto iney la xaajoodaan hadii ay dhulka Somalia ciidamadeeda kala baxdo.
Prof. Cadoow oo aan warsanay wararka sheegaya in Dagaalyahano Anjabi ay ka barbar dagaalamayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa beeniyay arintaasi, isagoo sheegay ineysan jirin cid ajnabi ah oo hada ka barbar dagaalamaya Maxkamadaha Islaamiga, balse hadii danta qasabto ay Somalia soo galin doonaan dagaalyahano Muslimiin ah.
Cadow ayaa sheegay in Dowlada Yemen ay balan qaaday iney ku dadaaleyso sidii ay dalka ugu bixin laheyn Ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan haatan Gobolada Dalka qaarkood.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalkaan kasoo baxay Maxkamadaha ayaa yimid kadib markii DFKMG iyo Maxkamadaha maalintii shanaad dagaal xoogan uu ku dhex marayo Deegaano ka tirsan Gobalka Bay.
Cabdifitaax Axmed
HorseedNet.com